Friday, October 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoonka Aqalka Sare oo kulan la qaatay Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Guddoonka Aqalka Sare oo kulan la qaatay Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankan qaabilaada oo ay Guddoonka Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku qaabileen safiirka dowlada Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya iyo xubna ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibada Talyaaniga ayaa waxaa looga hadlay xiriirka dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga, waxaana uu ka dhacay xarunta Golaha Aqalka Sare BFS.

 

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

Kulanka markuu soo gaba gaboobay ayaa ugu horayn waxaa Warbaahinta Qaranka la hadlay Cabdirisaaq Cismaan Jurile Guddoomiyaha Gudiga Arrimaha Dibadda, Iskaashiga Caalamiga, Qorshaynta, Maalgashiga ee Golaha Aqalka Sare waxa uu sheegay in ay ka wada hadleen xiriirka labada dowladod, isagoo intaa ku daray in sidoo kale ay ka wada hadleen halka ay marayso dhexdhexaadintii Golaha uu waday ee Dowladaha Xubanaha ka ah dowladda Federaalka iyo dowladda Dhexe Soomaaliya.

Safiirka dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya M,r, Carlo Campanile ayaa Golaha Aqalka Sare uga mahadceliyay howlaha ay wadaan ee dhex dhexaadinta, isagoo dhanka kalena sheegay in dowladda Soomaaliya iyo Talyaaniga inuu ka dhaxeeyo xiriir soo jireen ah.

Kulanka waxaa ku sugnaa Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi, Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Golaha Aqalka Sare Abshir Maxamed Axmed, Cabdirisaaq Cismaan Jurile Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda, Iskaashiga Caalamiga, Qorshaynta, Maalgashiga ee Golaha Aqalka Sare iyo Cali Maxamed Jaamac Xoghayaha Guud Golaha Aqalka Sare.

 

Previous Post

Ra’iisul Wasaare ku-xiggeenka XFS oo Muqdisho kusoo dhaweeyey Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga Turkiga

Next Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya

Next Post
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In