Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa shahaado Sharaf Guddoonsiiyay Guddoomiyihii guddiga Amniga Doorashooyinka ahna Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) iyo Taliyaha Ciidanka ATMIS qeybta 1-aad Gen. Keith Katungi.
Guddoonka ayaa sheegay in xubnahani ay Shahaadooyinka ku muteysteen sidii wanaagsanayd ee ay isaga xilsaareen in si nabad gelyo ah ay ku qabsoomaan doorashooyinka Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha ee dalka ka dhacday.