Wednesday, March 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka DFS oo kulan qado ah loogu sameeyay Garoowe “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka DFS oo kulan qado ah loogu sameeyay Garoowe “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha dawlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 25 October 2017 qado sharaf u sameeyey guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo mas’uuliyiinta kale ee Guddoonka wehelinayseyba.

Munaasibadda qado sharafta oo ka dhacday Hido Raac Garoowe ayaa waxaa Madaxweynaha Puntland ku wehelinayey Guddomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi iyo ku-xigeenadiisa,  mas’uuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, Qunsulka dalka Ethiopia u fadhiya dawladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Related posts

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026

Madaxweynaha dawlad Goboleedka Puntland oo ka hadlay munaasibaddaasi ayaa sheegay in Puntland sharaf iyo wanaag u tahay soo dhoweynta iyo qado sharafta ay u sameeyeen guddoonka Baarlamaanka DFS iyo mas’uuliyinta wehelinayseyba, waxaana uu tilmaamay in dadka Soomaaliyeed yihiin dad walaalo ah oo is jecel oo leh dhaqan marti-soor iyo mid diinba.

“Sharaf weyn bay noo tahay aniga iyo dawladdayaduba inaad noo timaadaan, inaan meeshan maanta ku wada qadaynona runtii waxay ii tahay sharaf iyo wanaag badan, waxaan aamin sanahay dadka Soomaaliyeed waa dad mid ah  walaalo ah oo is jecel, waxaanu leenahay dhaqan wanaagsan, waxaanu leenahay Diin wanagsan” ayuu yiri Dr Cabdiweli.

“Waxaan dhegeystey maalin gabadh caddaan ah oo af English ku heesta, waxaa la waydiiyey Soomaalida dhaqanka ugu wanaagsan oo aad ka baratay maxay tahay? waxay tiri dhaqanka ugu wanaagsan ee aan Soomaali ka bartay waa deeqsinimo hal sano ayaad ku dhex noolaanaysaa adigoon lacag la’aan ah oo aan waxba haysanin, waxaa iyana lawaydiiyey dhaqanka ugu xun oo aad ka baratayna maxay tahay? waxay tiri waa xanta oo aanay kaa qarsanayn” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Sidoo kale Dr Cabdweli ayaa sheegay in Baarlamaanka Golaha Shacabka ee DFS uu metelo shacabka Soomaaliyeed, kan Aqalka Sarena uu metelo dawladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaloa, waxaana u sheegay in loo baahan yahay si dawladdnimadu u gaamurto in la qaado dariiqii saxda ah ee lagu heli lahaa Soomaali mida, Soomaali Qurux badan, taasna waxaa aasaas u ah wada shaqayn joogta ah.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland Dr. cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa cadeeyey in Puntland diyaar u tahay wada shaqayn dhaba oo ay la yeelato Dowladda Federaalka ah Soomaaliya, isla markaana ay markasta la jeceshahay dawladdeeda Fadaraalka Soomaaliya wax kasta oo wanaag ah.

Guddoomiyaha Baarlamaanka DFS  Mudane. Maxamed Cismaan Jawaari ayaa dhankiisa tilmaamay in wax lagu faano ay tahay horumarka Puntland ka gaartay Nidaamka Federaaliisamka, waxaana uu ka mahadnaqay soo dhoweynta shacabka reer Puntland iyo dawladdooduba ula-heelanaayeen tan iyo maalintay yimaadeen isaga iyo weftiga uu hogaaminayey.

“Maanta waxaan aan aad ugu farxay oo aan rabo inaan ku dhiiri geliyo dawlad goboleedyada kalena, kalfadhi la furayo Madaxweynihii dawladdu joogo oo uu ka hadlaayo wixii hawl ahaa ee u qabsoomay uu ku wargelinayo golihiisii Wakiillada waa arrin i dhiiri gelisey oo aadna an ugu bogey oo fadaraaliisamku inuu hore u soconayo mustaqbalna leeyahay aan ogaadey waana u hambalyay nayaa Puntland talaabada wanaagsan ee ay qaadayso Mudane Cabdiweli Gaas adiga waxaan kaarabaa inaad u sheegto Madaxweyneyaasha kale ee dalka sidaa aad u shaqaynayso anaguna waxaan u sheegi doonaa goloyaasha shacbiga iyo dhawladda dhexeba” ayuu yiri Guddoomiye Jawaari

Ugu danbayn, Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kula dardaarmay Baarlamaanka Puntland, Baarlamaanka DFS iyo Xildhibaanada Aqalka Sare DFS inay yeeshaan wada shaqayn dhaw oo lagu horumarinaayo dastuurka DFS.

Previous Post

Kalfadhiga 40aad ee golaha Wakiilada Puntland oo ka furmay Garoowe “SAWIRRO”

Next Post

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo si diiran loogu soo dhaweeyay Turkiga “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo si diiran loogu soo dhaweeyay Turkiga “SAWIRRO”

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo si diiran loogu soo dhaweeyay Turkiga "SAWIRRO"

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Naastaro ayaa maanta furay tababar muhiim...

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

March 10, 2026
0

Degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan waxaa si habsami leh uga socota diiwaangelinta codbixiyeyaasha degmada. Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmada...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚  𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

March 10, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo uu wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa sheegay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In