Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Golaha Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo sidoo kale Guddoomiye Kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, ayaa kulan la qaatay Guddiga Baarlamaanka labadiisa aqal u qaabilsan dib u eegista iyo la socodka dastuurka iyo Guddiga Madaxabanaan ee Dib u Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka.
Mas’uuliyiinta labada guddi ayaa guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka dalka uga warbixiyeen howlaha la xiriira dib u eegista dastuurka KMG ka ah ee dalka.
























