Guddomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa waxaa uu maanta dhegax dhigay xabsiga dhexe ee gobolka Hiiraan oo dib u dhis lagu samaynayo, kaasi oo ay iska kaashanayaan maamulka iyo bulshada gobolka.
Guddoomiyaha iyo mas’uuliyiin kale ayaa kormeer howleed ku tegay Xabsiga.
Guddoomiyaha Degmada Beledweyne Macalin Cismaan Qalafoow ayaa sheegay in ganacsatada looga baahan yahay in ay ka qayb qaataan dib u dhiska xabsiga, maadaama lagu xirayo dad galay danbiyo kala duwan.
“Ganacsatada gobolka Hiiraan waxaan ka rabnaa in ay ka qayb qaataan dib u dhiska xabsiga iyo horumarka kale, xabsigaan waa xabsiga ugu weyn gobolka Hiiraan xiligii dowladii dhexe kadib wax dhismo ah ma uusan helin marka laga reebo xooga yar” ayuu yiri Guddoomiyaha Beledweyne.
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo dhawaan xilkan loo magacaabay ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in shaqsiyaad maxkamad xukuntay hadane ku jira saldhiga poliska Beledweyne.
“Hal kan aan joogo waa xabsigii ugu weynaa Gobolka Hiiraan, wax yaabaha iigu fajaca badnaa ee aan arko waxaa ka mid ahaa, qof dambi weyn galay oo maxkamad xukuntay oo saldhig ku xiran meel ay sharciga kaga taallo maan arag, anigoo aan wali xilkii aan laygu wareejin ama aan xafiiska fariisan, waxaa uu dareenka isiin waayay maxaabiista darteed xuquuq ayay leeyihiin” ayuu yiri Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan.
Cali Jeyte Cismaan ayaa dhinaca kale waxaa uu kormeeray waddooyin faro badan oo soo gala magaalada oo sababo ammaan loo xiray, isla markaana kuwa furan la dhigay baro koontrol oo gaadiidka soo galaya iyo kuwa baxaya laga ogaanayo, si loo hubiyo.