Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Kormeeray Kulan Howleed Kampala Uga Socda Guddiga Axsaabta Ee Baarlamaanka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Kormeeray Kulan Howleed Kampala Uga Socda Guddiga Axsaabta Ee Baarlamaanka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa maanta kormeeray kulan howleed magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda uga soconaya Guddiga Axsaabta ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulan howleedkan oo Guddiga Axsaabta ee Baarlamaanka ay ku dhameystirayaan diyaarinta sharciga axsaabta dalka oo isagu ka mid ah sharuucda ugu muhiimsan ee laga dhowrayo Baarlamaanka Soomaaliya iney hirgeliyaan si ay u fududaato qabsoomidda doorasho xor ah sanadka 2016ka islamarkaasina kaalmo hore uga jirta hiigsiga 2016ka, waxaana kulan howleedkan fududeynaya hay’adda Oslo Center.

Related posts

Shirka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika oo ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika oo ka furmay magaalada Muqdisho.

January 28, 2026
Wasiirka Dekadaha Soomaaliya oo Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Turkiga.

Wasiirka Dekadaha Soomaaliya oo Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Turkiga.

January 28, 2026

Gudoomiyaha Guddiga Axsaabta ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof C/risaaq Cusmaan Jurile oo kusoo dhaweeyey Gudoomiye Jawaari iyo wafdiga la socday kulan howleedkan guddiga Axsaabta uga soconaya magaalada Kampala waxaana uu faah faahin ka bixiyey halka ay u marayaan shaqooyinka laga dhowrayo waxaana uu Prof Jurile tilmaamay in hada ay howshu ku dhowdahay gebo gebo islamarkaana uu rajeynayo in Kalfadhiga 6aad bilowgiisa sharcigan la horkeeno Baarlamaanka.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo khudbad u jeediyey guddiga Axsaabta ee Baarlamaanka ayaa ugu horeyn uga mahad celiyey dadaalkooda,sidoo kalena waxa uu Gudoomiye Jawaari u mahad celiyey dowladda Norway oo Soomaaliya ka taageereysa arrimaha hirgelinta xisbiyada si gaar ahna waxa uu ugu mahad celiyey hay’adda Oslo Center oo fududeyneysa kulan howleedkan waxaana uu guddiga kula dar daarmay iney ku dadaalaan hirgelinta sharcigan si muwaadin walba oo Soomaaliyeed uu u helo xaqiisa siyaasadda.

—DHAMMAAD—

DSC_5084 DSC_5086 DSC_5087 DSC_5090 DSC_5094 DSC_5097 DSC_5102

Previous Post

Wasiirka Caafimaadka iyo wafdi ay hogaamineysay oo socdaal ku tegay Jowhar

Next Post

Soomaali ka soo carartay dagaallada Yemen oo soo gaaray Boosaaso

Next Post
Soomaali ka soo carartay dagaallada Yemen oo soo gaaray Boosaaso

Soomaali ka soo carartay dagaallada Yemen oo soo gaaray Boosaaso

Shirka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika oo ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika oo ka furmay magaalada Muqdisho.

January 28, 2026
0

Shirka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda dalalka Geeska Afrika ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho, caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Dekadaha Soomaaliya oo Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Turkiga.

Wasiirka Dekadaha Soomaaliya oo Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Turkiga.

January 28, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ballaaran...

Wasiirrada Ganacsiga Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Qatar.

Wasiirrada Ganacsiga Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Qatar.

January 28, 2026
0

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan, oo booqasho ku jooga dalka Qatar, ayaa kulan...

Xildhibaannada labada Aqal ee BJFS oo loo qeybiyay wax-ka-bedelka Dastuurka cutubyada 5-aad ilaa 9-aad.

Xildhibaannada labada Aqal ee BJFS oo loo qeybiyay wax-ka-bedelka Dastuurka cutubyada 5-aad ilaa 9-aad.

January 28, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya 28 Janaayo 2026, Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah ku yeeshay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In