Saturday, October 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Gudoomiye Cabdi Xaashi oo gudoomay dhambaal kaga yimid Baarlamaanka Carabta oo ku socda..

Gudoomiye Cabdi Xaashi oo gudoomay dhambaal kaga yimid Baarlamaanka Carabta oo ku socda..

Ali Ahmed by Ali Ahmed
2 years ago
in Wararka
0
Gudoomiye Cabdi Xaashi oo gudoomay dhambaal kaga yimid Baarlamaanka Carabta oo ku socda..
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi waxaa xafiiskiisa soo gaartay dhambaal hambalyo ah oo ka timid Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta Mudane Maxamed Axmed Al Yamaaxi kaas oo ugu hambalynayay guddoomiyaha, kaalinta Sanatar Cabdixakiim Macallin Axmed iyo dadaalkiisa ku aaddan ku guulaysiga xilka Guddoomiye kuxigeenka Guddiga Maaliyadda iyo Dhaqaalaha ee Baarlamaanka Carabta.

“Mudane Guddoomiye, waxaan fursadaan uga faa’iidaysanayaa inaan kuu xaqiijiyo sida ay iiga go’an tahay in aan adkayno xiriir wada shaqayneed oo sal adag oo ay yeeshaan Aqalka Sare iyo Baarlamaanka Carabta si aan ugu wada adeegno qadiyadaha qaran ee ay wadaagaan dowladaha ku midaysan Ururka Jaamacadda Carabta”

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026

Sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta ayaa uga mahad celiyay guddoomiyaha Aqalka Sare taageerada iyo garab istaagga xilliga olilihiisa doorashsda, wuxuuna Guddoomiye Cabdi Xaashi uga mahadceliyay hambalyada iyo ku boorrinta inuu la yimaado xil gudasho wanaagsan ka dib ku guulaysiga xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta labada sano ee soo socota.

Ugu dambayn Guddoomiye Cabdi Xaashi oo guddoomay dhambaalka hambalyada ah iyo mahad celinta, ayaa u rajeeyey guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta Mudane Maxammed Axmed Al Yamaaxii caafimaad, waajib gudasho joogta ah iyo ka shaqaynta shuruucda horumarka u horseedaya dakalka carabta.

Previous Post

Israel oo Gaza iyo Lubnaan ku dishay in ka badan boqol ruux

Next Post

Go’aanka Golaha Ammaanka ee lagu afjarayo UNSOM waa tallaabbo muhiim ah oo horay loo qaaday

Next Post
Go’aanka Golaha Ammaanka ee lagu afjarayo UNSOM waa tallaabbo muhiim ah oo horay loo qaaday

Go’aanka Golaha Ammaanka ee lagu afjarayo UNSOM waa tallaabbo muhiim ah oo horay loo qaaday

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar....

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026
0

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, oo kaashanaysa Ciidanka Difaaca Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, ayaa hawlgal kormeer iyo...

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In