|
Mudane Madaxweyne Isaias Afwerki, Sharaf weyn bay aniga iyo waftigaygaba u tahay in aan soo gaarno caasimadda qurxoon ee Ereteriya, casuumaaddii aad noo fidiseen ka dib. Hubaashii, booqashadani waa mid labadeenna qaranba taariikhda u gelaysa. Waxaan kaaga mahadcelinayaa martigelinta iyo soo dhawaynta aad noo samayseen aniga iyo waftigayga. Waxaan sidoo kale u mahadcelinayaa dadka gobta ah ee reer Ereteriya, kuwaas oo maanta isugu soo baxay waddooyinka magaalada Asmara, soo dhawaynta diirran iyo sida ay u muujiyeen xiriirka taariikhiga ah ee kala dhexeeya walaalahooda Soomaaliyeed. Mudane Madaxweyne, Wadahadal mira-dhal ah oo aan la yeeshay mudane Madaxweyne Esias Afwerki, waxaan diiradda saarnay sidii aan u xoojin lahayn xiriirka aannu wadaagno labadayada waddan oo aan keliya taariikhi ahayn, balse lagamamaarmaan u ah mustaqbalka ifaya ee aannu wada dhisi doonno. Labadayaduba waxa aannu ogsoonnahay in mustaqbalkayagu uu isku xiran yahay, maaddaama aannu nahay labo waddan oo walaalo ah, isku gobolna ah. Iskaashigani waxa uu faaโido weyn u leeyahay labadeenna dal, maaddaama aan ka simannahay caqabado isku mid ah. Iskaashiga waxtarka leh ee ay dawladda Soomaaliyeed doonayso waa mid sahlaya in labadeenna qaran ay si buuxda u wada shaqeeyaan, labadeenna shacabna nabad iyo barwaaqo ku noolaadaan. Waxaan doonaynaa in aynu caasimadeheenna ka hawlgelinno safaaradaha labadeenna qaran, wax-soosaarka dalalkeenuna si xor ah ugu kala gooshto gobolka oo dhan. Dawladda Soomaaliya waxa ay soo dhawaynaysaa heshiiskii nabadeed ee dhawaan dhexmaray Ereteriya iyo Itoobiya. Waxa hubaal ah in gebi ahaanba Geeska Afrika uu ka faaโidi doono waagan cusub ee ku astaysan nabadda, saaxiibtinnimada iyo wadajirka gobolka. Ereteriya waxa ay muhiim u tahay mustaqbalka Geeska Afrika, maamulkaygu waxa uu diyaar u yahay inuu kala shaqeeyo maamulkaaga danta labadeenna shacab iyo guud ahaan shucuubta Geeska Afrika. Waad mahadsan tihiin. |
๐๐โ๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐ ๐๐๐ฆ๐ฌ๐: ๐๐๐๐ง๐ญ๐ ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐ ๐ฐ๐๐ฑ๐ ๐๐ฒ ๐๐ข๐ฒ๐๐๐ซ ๐ฎ ๐ญ๐๐ก๐๐ฒ ๐ข๐ง ๐๐ฒ ๐๐ฎ๐ซ๐ญ๐จ ๐๐ฅ๐๐๐๐๐๐๐ ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ ๐๐ฌ๐ก๐ข ๐๐ ๐๐ฎ๐ง๐ข๐๐ฎ ๐ฎ ๐๐๐๐ก๐๐ง๐ญ๐๐ก๐๐ฒ
Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...











