Tuesday, January 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hanaanka siyaasadda ee dhallinyarada Qaranka oo laga hadlay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Hanaanka siyaasadda ee dhallinyarada Qaranka oo laga hadlay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankaaan oo looga hadlayay sida dhalinyarada ay uga qeyb gali lahayeen hanaanka Siyaasadda Dhallinyarada Qaranka oo ay wado Wasaaradda Dhallinyarada ayaa waxaa ka qayb galay Wasiirka Isboortiga, Guddoomiyaha Jaamacadda Umadda iyo Ururada Dhallinyaro ee ka jira caasimadda

Dhallinyarada ka qayb galayay kulanka ayaa lawadaagay Wasiirka aragtiyo ku aadan baahiyaha gaarka ee mudan in lagu daro Siyaasada Dhalinyarada Qaranka.

Related posts

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo furay wajiga Labaad ee barnaamijka wadajirka Booliska ee (JPP II) .

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo furay wajiga Labaad ee barnaamijka wadajirka Booliska ee (JPP II) .

January 20, 2026
Guddiga amniga iyo taakulaynta Hirshabeelle oo booqday deegaanka Jabad Godane.

Guddiga amniga iyo taakulaynta Hirshabeelle oo booqday deegaanka Jabad Godane.

January 20, 2026

Abdikaafi Mahamuud Makaraan, Mahamed Cabdalla Caqil iyo Falis Abdulaahi oo ku hadlayay afka Ururrada Dhallinyada ee ka soo qeyb galay kulanka ayaa sheegay in loo bahan yahay in la xoojiyo la tashiyada Dhallinyarrada si loo helo aragti mideysan, oo ka tarjumeysa siyaasadda dhallinyarada Qaranka.

Guddoomiyaha Jaamacadda Umadda Maxamed Axmed Jimcaale oo Jamacadiisu kulankaan marti galisay ayaa sheegay in Jaamacadda Ummadda ey siinayso dhallinyarada fursado lagu kobcinayo garaadkooda

“Waxaan balan qadaynaa inaa idin siino fursado aad garaadkiina ku kobcisaan, waxaan kaloo idiin sheegaa waxaa la dhisaa hool loogu talagalay dhallinyada kaas oo talooyinkiina aad ku soo gudbisaan  idinkana waxaa leydin karabaa in aad ka qeyb qaadataan dhismaha dalka oo aad la timadaan fikrado Jaamacadda Ummadda waxa ay ku howlantahay in ay soo saarto dhallinyaro bartay kuliyadda beeraha caafimaadka gabdhaha, hada waxaan bilabeynaa goob ay ku bartaan xirfado ay naftooda ku marayn karaan oo soconaya mudo 2 sano ah”ayuu yiri guddoomiyaha Jaamacadda.

Wasiirka dhallinyada iyo ciyaarah Maxmed Cabdullaahi Nuux oo lahadlayay dhallinta ayaa ka hadlay ahmiyada kulankaan ay u qabteen oo ah in la helo aragtida dhallinyarada, si loogu biiriyo tallooyinkooda siyaasadda dhallinyarada Qaranka.

“Waxaan doonaynaa in aan idin lawadaagno halka ay maraysay hanaanka Siyaasada dhallinyarada Qaranka oo aan dhawaanahaan ku howlaneen, hada waxa uu marayaa gabagabo waa in aad u istaagtaan sidii aad wax ugu darsan lahaydeen, inagu waxaan balanqaadaynaa in tallooyinkiina aan ku biirino aragtida dhallinyarada waxaana qorsheynaynaa”ayuu yiri Wasiirka Dhallinyarada.

?
?
?
?
?
?
?
?
?
?
?
?
?
?
?
?
?
?
?
?
?
?

IMG_6613 IMG_6620 IMG_6635 IMG_6643 IMG_6647 IMG_6675 IMG_6687 IMG_6694 IMG_6707 IMG_6708 IMG_6717 IMG_6719 IMG_6721 IMG_6725 IMG_6729 IMG_6737 IMG_6741 IMG_6785 IMG_6800 IMG_6801 IMG_6808 IMG_6812 IMG_6816 IMG_6817 IMG_6819

 

Previous Post

Dacwadda u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya oo furmaysa September

Next Post

Barlamaanka oo u codeeyay in wax ka badal lagu sameeyo qodobbo ka mid ah dastuurka

Next Post
Baarlamanka oo ansixiyay qaraarka dib u eegista kharashaadka dowladda

Barlamaanka oo u codeeyay in wax ka badal lagu sameeyo qodobbo ka mid ah dastuurka

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo furay wajiga Labaad ee barnaamijka wadajirka Booliska ee (JPP II) .

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo furay wajiga Labaad ee barnaamijka wadajirka Booliska ee (JPP II) .

January 20, 2026
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneral Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta si rasmi ah u furay shir...

Guddiga amniga iyo taakulaynta Hirshabeelle oo booqday deegaanka Jabad Godane.

Guddiga amniga iyo taakulaynta Hirshabeelle oo booqday deegaanka Jabad Godane.

January 20, 2026
0

Guddiga Amniga iyo Taakulaynta Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa maanta booqday deegaanka Jabad Godane, halkaas oo maalintii shalay cashar loogu dhigay Khawaarijta....

Wasaaradda Qorsheynta XFS oo Muqdisho ku soo bandhigtay waxqabadkeedii 2025.

Wasaaradda Qorsheynta XFS oo Muqdisho ku soo bandhigtay waxqabadkeedii 2025.

January 20, 2026
0

Munaasabad ballaaran oo lagu soo bandhigayay waxqabadka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya intii lagu guda...

Madaxda Hay’adaha SoDMA iyo SPA oo yeeshay kulan mira-dhal ah

Madaxda Hay’adaha SoDMA iyo SPA oo yeeshay kulan mira-dhal ah

January 19, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta Hay’adda SoDMA kulan kula yeeshay Guddoomiyaha Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In