Wednesday, September 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hanaanka siyaasadda ee dhallinyarada Qaranka oo laga hadlay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Hanaanka siyaasadda ee dhallinyarada Qaranka oo laga hadlay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankaaan oo looga hadlayay sida dhalinyarada ay uga qeyb gali lahayeen hanaanka Siyaasadda Dhallinyarada Qaranka oo ay wado Wasaaradda Dhallinyarada ayaa waxaa ka qayb galay Wasiirka Isboortiga, Guddoomiyaha Jaamacadda Umadda iyo Ururada Dhallinyaro ee ka jira caasimadda

Dhallinyarada ka qayb galayay kulanka ayaa lawadaagay Wasiirka aragtiyo ku aadan baahiyaha gaarka ee mudan in lagu daro Siyaasada Dhalinyarada Qaranka.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

September 8, 2026
Taliyaha Guutada 21-aad qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor oo soo dhaweyn loo sameeyay

Taliyaha Guutada 21-aad qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor oo soo dhaweyn loo sameeyay

September 8, 2026

Abdikaafi Mahamuud Makaraan, Mahamed Cabdalla Caqil iyo Falis Abdulaahi oo ku hadlayay afka Ururrada Dhallinyada ee ka soo qeyb galay kulanka ayaa sheegay in loo bahan yahay in la xoojiyo la tashiyada Dhallinyarrada si loo helo aragti mideysan, oo ka tarjumeysa siyaasadda dhallinyarada Qaranka.

Guddoomiyaha Jaamacadda Umadda Maxamed Axmed Jimcaale oo Jamacadiisu kulankaan marti galisay ayaa sheegay in Jaamacadda Ummadda ey siinayso dhallinyarada fursado lagu kobcinayo garaadkooda

“Waxaan balan qadaynaa inaa idin siino fursado aad garaadkiina ku kobcisaan, waxaan kaloo idiin sheegaa waxaa la dhisaa hool loogu talagalay dhallinyada kaas oo talooyinkiina aad ku soo gudbisaan  idinkana waxaa leydin karabaa in aad ka qeyb qaadataan dhismaha dalka oo aad la timadaan fikrado Jaamacadda Ummadda waxa ay ku howlantahay in ay soo saarto dhallinyaro bartay kuliyadda beeraha caafimaadka gabdhaha, hada waxaan bilabeynaa goob ay ku bartaan xirfado ay naftooda ku marayn karaan oo soconaya mudo 2 sano ah”ayuu yiri guddoomiyaha Jaamacadda.

Wasiirka dhallinyada iyo ciyaarah Maxmed Cabdullaahi Nuux oo lahadlayay dhallinta ayaa ka hadlay ahmiyada kulankaan ay u qabteen oo ah in la helo aragtida dhallinyarada, si loogu biiriyo tallooyinkooda siyaasadda dhallinyarada Qaranka.

“Waxaan doonaynaa in aan idin lawadaagno halka ay maraysay hanaanka Siyaasada dhallinyarada Qaranka oo aan dhawaanahaan ku howlaneen, hada waxa uu marayaa gabagabo waa in aad u istaagtaan sidii aad wax ugu darsan lahaydeen, inagu waxaan balanqaadaynaa in tallooyinkiina aan ku biirino aragtida dhallinyarada waxaana qorsheynaynaa”ayuu yiri Wasiirka Dhallinyarada.

?
?
?
?
?
?
?
?
?
?
?
?
?
?
?
?
?
?
?
?
?
?

IMG_6613 IMG_6620 IMG_6635 IMG_6643 IMG_6647 IMG_6675 IMG_6687 IMG_6694 IMG_6707 IMG_6708 IMG_6717 IMG_6719 IMG_6721 IMG_6725 IMG_6729 IMG_6737 IMG_6741 IMG_6785 IMG_6800 IMG_6801 IMG_6808 IMG_6812 IMG_6816 IMG_6817 IMG_6819

 

Previous Post

Dacwadda u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya oo furmaysa September

Next Post

Barlamaanka oo u codeeyay in wax ka badal lagu sameeyo qodobbo ka mid ah dastuurka

Next Post
Baarlamanka oo ansixiyay qaraarka dib u eegista kharashaadka dowladda

Barlamaanka oo u codeeyay in wax ka badal lagu sameeyo qodobbo ka mid ah dastuurka

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

September 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah ugu...

Taliyaha Guutada 21-aad qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor oo soo dhaweyn loo sameeyay

Taliyaha Guutada 21-aad qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor oo soo dhaweyn loo sameeyay

September 8, 2026
0

Munaasabad lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweyn diirran loogu sameeyay Taliyaha Guutada 21-aad qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor Gaashaanle...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Wakiilka Hay’adda FAO ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Wakiilka Hay’adda FAO ee Soomaaliya

September 8, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ay wehliyaaan Wasiirada Gargaarka iyo Haweenka Koonfur Galbeed, ayaa...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo soo xiray Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta XFS oo soo xiray Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

September 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa gelinkii dambe ee maanta soo xiray Shirweynaha Madasha Qaran...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In