Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hannaanka dhameystirka xubinnimada Soomaaliya ee Urur Goboleedka Bariga Afrika (EAC)

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maalin kale oo farxadeed iyo guul u soo hoyatey Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo cagta saartey tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee ku biirista Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ee East African Community (EAC).

Madaxda dowladaha xubnaha ka ah ururkan ayaa kulankoodii 21aad OO ka dhacay magaalada Bujumbura ee caasimadda Jamhuuriyadda Burundi, waxay si rasmi ah ugu ansixiyeen warbixinta Guddigii Gaarka ee loo xilsaarey hubinta codsiga Soomaaliya ee ku biiritaanka ururka. Ansixintaasi kadib waxaa madaxda ay fareen xoghaynta ururka inay bilaabaan habraacii farsamo ee Somalia ay rasmi ahaan ugu biiri lahayd ururka.

Related posts

Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

February 1, 2026
Guddoomiyaha Baarlamaanka oo go’aanno adag ka soo saaray fadhiyada Baarlamaanka

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo go’aanno adag ka soo saaray fadhiyada Baarlamaanka

February 1, 2026

Sida aad la wada socotaan tan iyo markii sannad ka hor la doortay Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa muhiimad uu siiyay xoojinta xiriirka gobolka iyo kan caalamiga ah.

Bishii July Madaxweynaha waxaa uu si xubin sharafeed ahaan uga qeybgaley Shir Madaxeedkii EAC ee lagu qabtey magaalada Arusha ee dalka Tanzania. Waxaan wax lagu faano ah in wax sannad ka yar ay Soomaaliya kasbatey kalsoonida waddamada xubnaha ka ah ururka oo isla qaatey in Soomaaliya ay xubin buuxda ka noqoto Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

Ku biiritaanka Soomaaliya ee ururkan mas’uuliyadaha la socda ka sokow, waxay keeni doontaa faa’iidooyin dhanka diblomaasiyadda, is dhexgalka bulshada, isku socodka, ganacsiga iyo dhaqaalaha, waxbarashada iyo iskaashi dhinacyo kala duwan leh. Ganacsatada Soomaalida ayaa fursad u heli doona inay ka hawlgalaan dhammaan 8-da dal ee ururku ka kooban yahay. Waxaa Iyana faa’iidooyinkaasi la socda in baasaboorka Soomaaliga uu ka mid noqonayo Midowga Baasaboorada Bariga Afrika oo sahlaya isku socodka iyo degaanka muwaadiniinta dalalka xubnaha ka ah ururka.

SOMALIA GUUL, SOMALIA HA NOOLAATO

URUR GOBOLEEDKA ISKAASHIGA DHAQAALAHA BARIGA AFRIKA HA WAARO

Mudane Daa’uud Aweys Jaamac

Wasiirka Warfaafinta , Dhaqanka iyo Dalxiiska

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

 

 

 

 

 

 

Previous Post

Madaxweynaha JFS oo soo dhaweeyay Aqbalaadda warbixinta codsiga Soomaaliya ee ka mid noqoshada Dalladda Bulshada Bariga Afrika

Next Post

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay xubno ka tirsan khawaarijta oo ka dhacay Jubbada Hoose

Next Post
Howlgal qorsheysan oo lagu dilay xubno ka tirsan khawaarijta oo ka dhacay Jubbada Hoose

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay xubno ka tirsan khawaarijta oo ka dhacay Jubbada Hoose

Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Go'aan kasoo baxay xafiiska Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa looga joojiyay ka-qeybgalka kulamada...

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo go’aanno adag ka soo saaray fadhiyada Baarlamaanka

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo go’aanno adag ka soo saaray fadhiyada Baarlamaanka

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa soo saaray go’aanno rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in xubno sare oo Khawaarijta ka tirsani codsiyo u soo dirsadeen

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in xubno sare oo Khawaarijta ka tirsani codsiyo u soo dirsadeen

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in Khawaarij waaweyn ay si toos ah ula...

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan, ayaa xiray Mahad Maxamuud Xamarow (Garyaqaan), kaas oo lagu eedeeyay kicin...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In