Tuesday, September 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hannaanka dhameystirka xubinnimada Soomaaliya ee Urur Goboleedka Bariga Afrika (EAC)

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maalin kale oo farxadeed iyo guul u soo hoyatey Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo cagta saartey tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee ku biirista Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ee East African Community (EAC).

Madaxda dowladaha xubnaha ka ah ururkan ayaa kulankoodii 21aad OO ka dhacay magaalada Bujumbura ee caasimadda Jamhuuriyadda Burundi, waxay si rasmi ah ugu ansixiyeen warbixinta Guddigii Gaarka ee loo xilsaarey hubinta codsiga Soomaaliya ee ku biiritaanka ururka. Ansixintaasi kadib waxaa madaxda ay fareen xoghaynta ururka inay bilaabaan habraacii farsamo ee Somalia ay rasmi ahaan ugu biiri lahayd ururka.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo ku nool Boosaaso

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo ku nool Boosaaso

September 1, 2026
Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha oo maanta ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha oo maanta ka furmay Muqdisho

September 1, 2026

Sida aad la wada socotaan tan iyo markii sannad ka hor la doortay Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa muhiimad uu siiyay xoojinta xiriirka gobolka iyo kan caalamiga ah.

Bishii July Madaxweynaha waxaa uu si xubin sharafeed ahaan uga qeybgaley Shir Madaxeedkii EAC ee lagu qabtey magaalada Arusha ee dalka Tanzania. Waxaan wax lagu faano ah in wax sannad ka yar ay Soomaaliya kasbatey kalsoonida waddamada xubnaha ka ah ururka oo isla qaatey in Soomaaliya ay xubin buuxda ka noqoto Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

Ku biiritaanka Soomaaliya ee ururkan mas’uuliyadaha la socda ka sokow, waxay keeni doontaa faa’iidooyin dhanka diblomaasiyadda, is dhexgalka bulshada, isku socodka, ganacsiga iyo dhaqaalaha, waxbarashada iyo iskaashi dhinacyo kala duwan leh. Ganacsatada Soomaalida ayaa fursad u heli doona inay ka hawlgalaan dhammaan 8-da dal ee ururku ka kooban yahay. Waxaa Iyana faa’iidooyinkaasi la socda in baasaboorka Soomaaliga uu ka mid noqonayo Midowga Baasaboorada Bariga Afrika oo sahlaya isku socodka iyo degaanka muwaadiniinta dalalka xubnaha ka ah ururka.

SOMALIA GUUL, SOMALIA HA NOOLAATO

URUR GOBOLEEDKA ISKAASHIGA DHAQAALAHA BARIGA AFRIKA HA WAARO

Mudane Daa’uud Aweys Jaamac

Wasiirka Warfaafinta , Dhaqanka iyo Dalxiiska

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

 

 

 

 

 

 

Previous Post

Madaxweynaha JFS oo soo dhaweeyay Aqbalaadda warbixinta codsiga Soomaaliya ee ka mid noqoshada Dalladda Bulshada Bariga Afrika

Next Post

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay xubno ka tirsan khawaarijta oo ka dhacay Jubbada Hoose

Next Post
Howlgal qorsheysan oo lagu dilay xubno ka tirsan khawaarijta oo ka dhacay Jubbada Hoose

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay xubno ka tirsan khawaarijta oo ka dhacay Jubbada Hoose

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo ku nool Boosaaso

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo ku nool Boosaaso

September 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa deeq gargaar raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo nugul oo ku nool magaalada...

Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha oo maanta ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha oo maanta ka furmay Muqdisho

September 1, 2026
0

Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho, iyadoo diiradda lagu saarayo xoojinta amniga...

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐭𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐧𝐳𝐚𝐧𝐢𝐚

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐭𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐧𝐳𝐚𝐧𝐢𝐚

August 31, 2026
0

Wafdi ka socda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS oo uu hoggaaminayo Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Xirsi Jaamac Gaani, ayaa...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dalka Serbia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dalka Serbia

August 31, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Belgrade...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In