Hantidhawraha Guud ee Qaranka Mudane Abuukaate Axmed Ciise Gutale ayaa maanta kulan la yeeshay maamulka sare ee Xafiiska Madaxweynaha, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Golaha Shacabka, iyo Aqalka Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Kulanka oo diiradda lagu saarayay natiijooyinka muhiimka ah ee ka soo baxay baarista Xafiiska Hantidhawrka Guud iyo warbixinnadii dhawaan lala wadaagay hay’adahaas iyo sidii loo dardargalin lahaa dhaqangalinta talooyinka uu Xafiisku bixiyay.
Ugu dambeyn, kulanka ayaa la iskula meeldhigay sidii loo sii xoojin lahaa isla-xisaabtanka iyo daah-furnaanta hannaanka maaraynta maaliyadda dalka si sare loogu qaado hufnaanta waxqabadka hay’adaha iyo dowlad wanaagga.