Sunday, November 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Haweeneey ku eedeeysnayd Al-Shabaab oo isu dhiibtay Boliiska Kenya

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Haweeneey ku eedeeysnayd Al-Shabaab oo isu dhiibtay Boliiska Kenya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mumina Eroba oo ay Boliiska Dalka Kenya Madaxeeda dul dhigeen Hal Milyan oo Shilin Bil ka hor ayaa Maqribnimadii Talaadada isku dhiibtay laamaha ammaanka ee Dalkaasi.

Haweeneydan ayaa lagu tuhmayay inay ka tirsan tahay Al-Shabaab, waxaana lagu eedeeyay inay wax ka qorsheysay weerarkii Bishii Febuary ee Sanadkan ka dhacay Tuulada Qarsa oo ka tirsan Wajeer, halkaasoo ay ku dhinteen Saddex  Qof oo Laba ka mid ihi ay ahaayeen Macallimiin.

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

Isku duwaha Gobolka waqooyi-bari Dalka Kenya, Maxamuud Saalax ayaa Jariiradda The Star u sheegay in isa soo dhiibista Haweeneydani ay guul weyn u tahay dagaalka lagula jira argagixisada,

Mss; Eroba, ayaa ah Hooyada Cabdiwaaxab Cusmaan Axmed, oo isna lala xiriirinayo weerar ay ku dhinteen Siddeed Askari oo ka dhacay Wajeer, waxanay sidoo kale hay’adaha amnigu weli raadinayaan Axmed Debar, oo ka mid ah eedeysanayaasha.

Dowladda Kenya ayaa wadda qorshe lagu wacyi gelinayo Bulshada qaybaheeda kala duwan oo ku aaddan sidii looga feejignaan lahaa xubnaha Dadka ka dhaadhiciya fekerka Argagixisanimada ee ka tirsan Al-Shabaab, iyadoo ay Dowladda Kenyana ku guuleysatay inay dib ugu soo laabtaan Dhallinyaro badan aragtiyadii hore.

Previous Post

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Norway oo Ra’iisul Wasaare Khayre Kulan soo Dhaweyn ah ugu Sameeyey Oslo

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Magaalada Addis Ababa

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Magaalada Addis Ababa

Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Magaalada Addis Ababa

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In