Tuesday, October 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Haweenka ku jira Baarlamaanka Galmudug oo doortay Guddoon cusub “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Haweenka ku jira Baarlamaanka Galmudug oo doortay Guddoon cusub “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Haweenka ku jira Baarlamaanka Galmudug ayaa maanta doortay Guddoomiye, Gudoomiye ku-xigeen iyo xoghayn, waxaana doorasho lagu qabtay hoolka Baarlamaanka Galmudug oo ay soo qaban qaabisay Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug Faadumo Cabdi Cali.

Kulanka waxaa ka qaybgalay oo goobjoog ka ahaa Mudane ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, Guddoomiyaha Ururka Haweenka Baarlamaanka Hirshabeele iyo Ururada Haweenka Degmooyinka Dhusamareb, Caabudwaaq, Cadaado, Guriceel iyo marti sharaf kale.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026

Ugu horayn waxaa daah furtay munaasabadda wax lagu dooranayey Gudoomiye ku-xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Galmudug Faadumo Cabdi Cali, iyadoo haweenka ku boorisay inay ka shaqeeqaan horumarinta dalka.

Intaasi ka dib waxaa la gudagalay doorashada saddexda xubnood, iyadoo ay codaynayeen Haweenka ku jira Baarlamaanka Galmudug waxaana Guddoomiye loo doortay Xildhibaan Canab Maxamed Cosoble Gudoomiye ku-xigeen waxaa loo doortay Xildhibaan Fardowso Yuusuf Ciid, halka Xoghayn loo doortay Amal Axmed Cabdulle.

Xubnaha la doortay oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa ay muujyeen sida ay ugu faraxsanyihiin, waxaana ay balan qaadeen inay ka soo bixi doonaan xilalka loo doortay ee Ururka Haweenka Baarlamaanka Galmudug.

Zamzam oo ka mid ah xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Xildhibaan Tariig Ibraahim Axmed Guddoomiyaha Ururka Haweenka Baarlamaanka Hirshabeele ayaa ka hadlay madasha, waxa ayna ka hambalyeeyeen howsha maanta la qabtay.

Ugu dambayn Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Galmudug Faadumo Cabdi Cali ayaa waxa ay balan qaaday inay la shaqayn doonaan, loona baahan yahay in la muujiyo isku duubni joogta ah.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo ku dhawaaqay Baroor-diiq Qaran oo lagu maamuusayo Raiisul Wasaare Nuur Cadde

Next Post

Xeerarka dhamaystirka sharciga doorashooyinka Qaranka oo markale laga shiray “SAWIRRO”

Next Post
Xeerarka dhamaystirka sharciga doorashooyinka Qaranka oo markale laga shiray “SAWIRRO”

Xeerarka dhamaystirka sharciga doorashooyinka Qaranka oo markale laga shiray “SAWIRRO”

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirka Saddexaad ee Bulshada...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabad heer qaran ah oo si maqaam sare...

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In