Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Haweeyney Ajnabi ah oo ay soo badbaadiyeen ciidanka Nabad sugidda oo lagu soo bandhigay Cadaado “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Haweeyney Ajnabi ah oo ay soo badbaadiyeen ciidanka Nabad sugidda oo lagu soo bandhigay Cadaado “SAWIRRO”

?

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowlad goboleedka Galmudug ayaa magaalada Cadaado saxafadda ugu soo bandhigay haweeney Kenyan ah oo xalay ciidamada Nabadsugiddu hawlgal ku soo badbaadiyeen.

Ciidanka ayaa xalay hawlgal ay ka fuliyeen  deegaanka Camaara ee gobolka Mudug waxa ay ku soo badbaadiyeen Loise  Njoki Weru oo ah haweeney Kenyan ah oo 2-sano u qafaalneed koox burcad ah, taasi oo ay maanta mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug uu ku soo bandhigeen magaalada Cadaado ee xarunta KMG u ah.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Madaxwayne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa haweeneydaan oo ay ka muuqato duruuf nololeed ku soo dhaweeyay xafiiskiisa.

Loise  Weru  ayaa sheegtay in kooxda ay u qafaalneed ay ula dhaqmayeen si naxariis dara ah, oo xitaa aysan helin biyo ay cabto xilliyada qaar, balse maanta ay ku faraxsantahay in la soo badbaadiyay.

“Waxaan 2 sano u qafaalnaa dad aan nariis lahayn, xalay ayaa ciidamadu i soo badbaadiyeen, waxaan hadda la joogaa madaxwayne ku xigeenka Galmudug oo ka qayb qaatay soo dayntayda, waxaan dhihi karaa ma fududayn, waana nabad qabaa hadda, waxaan ahay xor. waxaan la joogaa Galmudug” ayay tiri Loise

Madaxwayne ku xigeenka dawlad goboleedka Galmudug Maxamed xaashi Cabdi ayaa sheegay in dadaal dheeraad ah ay ku bixiyeen soo furashada gabadhan iyo lahaystayaal kale oo horey loo soo badbaadiyayba.

Horraantii sanadkan ayaa hawlgal nuucan ah oo kale lagu soo badbaadiyay nin isna Kenyan ah oo gabadhan lala qafashay, waxaana ay ahaayeen shaqaale caafimaad.

?

 

?

?

Previous Post

Marwada Madaxweynaha dalka oo xariga ka jartay xarun Hobollada Waaberi ay ku diyaarinayan wacyigelin “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso: warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In