Wednesday, October 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Haweeyney Ajnabi ah oo ay soo badbaadiyeen ciidanka Nabad sugidda oo lagu soo bandhigay Cadaado “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Haweeyney Ajnabi ah oo ay soo badbaadiyeen ciidanka Nabad sugidda oo lagu soo bandhigay Cadaado “SAWIRRO”

?

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowlad goboleedka Galmudug ayaa magaalada Cadaado saxafadda ugu soo bandhigay haweeney Kenyan ah oo xalay ciidamada Nabadsugiddu hawlgal ku soo badbaadiyeen.

Ciidanka ayaa xalay hawlgal ay ka fuliyeen  deegaanka Camaara ee gobolka Mudug waxa ay ku soo badbaadiyeen Loise  Njoki Weru oo ah haweeney Kenyan ah oo 2-sano u qafaalneed koox burcad ah, taasi oo ay maanta mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug uu ku soo bandhigeen magaalada Cadaado ee xarunta KMG u ah.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Madaxwayne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa haweeneydaan oo ay ka muuqato duruuf nololeed ku soo dhaweeyay xafiiskiisa.

Loise  Weru  ayaa sheegtay in kooxda ay u qafaalneed ay ula dhaqmayeen si naxariis dara ah, oo xitaa aysan helin biyo ay cabto xilliyada qaar, balse maanta ay ku faraxsantahay in la soo badbaadiyay.

“Waxaan 2 sano u qafaalnaa dad aan nariis lahayn, xalay ayaa ciidamadu i soo badbaadiyeen, waxaan hadda la joogaa madaxwayne ku xigeenka Galmudug oo ka qayb qaatay soo dayntayda, waxaan dhihi karaa ma fududayn, waana nabad qabaa hadda, waxaan ahay xor. waxaan la joogaa Galmudug” ayay tiri Loise

Madaxwayne ku xigeenka dawlad goboleedka Galmudug Maxamed xaashi Cabdi ayaa sheegay in dadaal dheeraad ah ay ku bixiyeen soo furashada gabadhan iyo lahaystayaal kale oo horey loo soo badbaadiyayba.

Horraantii sanadkan ayaa hawlgal nuucan ah oo kale lagu soo badbaadiyay nin isna Kenyan ah oo gabadhan lala qafashay, waxaana ay ahaayeen shaqaale caafimaad.

?

 

?

?

Previous Post

Marwada Madaxweynaha dalka oo xariga ka jartay xarun Hobollada Waaberi ay ku diyaarinayan wacyigelin “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso: warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In