Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hawlgal qasaare lagu gaarsiiyey Khawaarijta oo ka dhacay gobolka Mudug

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Hawlgal qasaare lagu gaarsiiyey Khawaarijta oo ka dhacay gobolka Mudug
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidanka xoogga dalka, dadka deegaanka iyo maamulka degmada Xarardheere oo is kaashanaya ayaa galabta deegaanka Bacadka Faarax Aadan ku weeraray Khawaarij ku dhuumaaleysaneysay, waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus oo lagu jebiyey Khawaarijta.

Guddoomiyaha degmada Xarardheere Maxamed Yuusuf  Kulmiye ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in dhowr jiho ay ka weerareen argagixisada, isla markaana ay halkaas ku laayeen, welina ay ku sii raacdeysanayaan dhulka howdka ah.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

“Tiro ajaajib ah iyo horjoogayaalk ka tirsan khawaarijta ayaan ku dilnay dagaalka, haatanna deegaanka anaga ayaa gacanta ku heyno”. Ayuu yiri Guddoomiyaha

Guddoomiyaha degmada Xarardheere ayaa baaq u diray Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud inay ciidamada qalabka sida iyo xooggaga deegaanka gacan lagu siiyo howlgallada ka dhanka ah khawaarijta.

Mudane Maxamed Yuusuf ayaa tacsi u diray geesiyaasha Qaranka ee ku shahiiday dagaalkii maanta, halka kuwa ku dhaawacmayna uu Alle uga baryay in uu u boogo dhayo

Previous Post

Guddiga dib u eegista dastuurka BFS oo kala wareegay Guddiga madaxa bannaan ee Dastuurka soo-jeedinnada nuqulka kama danbaysta ah

Next Post

Tartamayaasha Degmada Xamarweyne oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Next Post
Tartamayaasha Degmada Xamarweyne oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Xamarweyne oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In