Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adaha Isgaarsiinta Qaranka iyo Aqoonsiga oo qabtay kulan wadatashi ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Hay’adaha Isgaarsiinta Qaranka iyo Aqoonsiga oo qabtay kulan wadatashi ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) iyo Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa maanta si wadajir ah u qabtay kulan wadatashi ah oo ku saabsan kaalinta Nidaamka Aqoonsiga Qaranka iyo adeegyada shirkadaha isgaarsiinta, iyo isku xirka nidaamka Aqoonsiga Qaranka iyo adeegyada isgaarsiinta ee dalka.

Kulankan ayaa waxaa kasoo qeybgalay madaxda hay’adaha NIRA iyo HIQ iyo mas’uuliyiin ka kala socda shirkadaha isgaarsiinta dalka. Kulanka ayaa waxaa daahfuray Maareeyaha Guud ee NIRA, Cabdiwali Cali Cabdulle, iyo Mustafa Yasin Sheekh, Maareeyaha Guud ee HIQ, iyagoo ka hadlay heerarka kala duwan ee uu soo maray nidaamka Aqoonsiga Qaranka, iyo sidii loo gaarsiin lahaa guud ahaan dalka.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Maareeyaha Guud ee NIRA, Mudane Cabdiwali Cali Cabdulle, oo kulanka ka hadlay ayaa yiri: “Iskaashiga ka dhexeeya NIRA iyo shirkadaha isgaarsiinta waa tallaabo muhiim ah oo lagu xaqiijinayo in nidaamka Aqoonsiga Qaranka uu noqdo mid la isku halleyn karo oo wax ka taraya adeegyada isgaarsiinta ee Soomaaliya.

Wada shaqeyntani waxay siinaysaa ummadda Soomaaliyeed fursad ay ku heli karaan aqoonsi rasmi ah, waxayna fududaynaysaa aqoonsiga macaamiisha ee shirkadaha isgaarsiinta.”

Sidoo kale, Maareeyaha Guud ee HIQ, Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, ayaa sheegay: “Dhismaha nidaamka Aqoonsiga Qaranka wuxuu muhiim u yahay horumarinta isgaarsiinta dalka iyo ilaalinta danaha macaamiisha. Waxaan diyaar u nahay inaan si dhow ula shaqeyno shirkadaha isgaarsiinta si aan u hubinno in nidaamkani uu noqdo mid wax ku ool ah oo si buuxda ugu shaqeeya macaamiisha Soomaaliyeed.”

Warbixinno kala duwan ayaa lagu soo bandhigay kulanka, kuwaas oo ay ka mid yihiin shuruucda diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Qaranka, iyo sida loo fulin doono diiwaangelinta SIM-ka iyo adeegyada isgaarsiinta. Kulanka ayaa waxaa sidoo kale lagu falanqeeyay istiraatiijiyadda hawlgelinta, fursadaha iskaashi, iyo meelaha ay iska kaashan karaan NIRA, HIQ, iyo shirkadaha isgaarsiinta, iyadoo la xoojinayo ujeexdada guud ee ah in la horumariyo adeegyada isgaarsiinta ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Shirkadaha isgaarsiinta ayaa soo dhaweeyay iskaashiga iyo wada shaqaynta la xiriirta Nidaamka Aqoonsiga Qaranka, iyagoo caddeeyay inay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan NIRA iyo HIQ si ay uga qayb qaataan isku xirka nidaamka Aqoonsiga Qaranka iyo adeegyada isgaarsiinta. Sidoo kale, shirkaduhu waxay ballan qaadeen inay gacan ka geysan doonaan diiwaangelinta macaamiisha.

Previous Post

Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka oo digniino soo saaray

Next Post

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐡𝐢𝐫𝐠𝐞𝐥𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐇𝐚𝐛𝐫𝐚𝐚𝐜𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐋𝐚𝐲𝐥𝐢 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝( 𝐢𝐧𝐭𝐞𝐫𝐧𝐬𝐡𝐢𝐩).

Next Post
𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐡𝐢𝐫𝐠𝐞𝐥𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐇𝐚𝐛𝐫𝐚𝐚𝐜𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐋𝐚𝐲𝐥𝐢 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝( 𝐢𝐧𝐭𝐞𝐫𝐧𝐬𝐡𝐢𝐩).

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐡𝐢𝐫𝐠𝐞𝐥𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐇𝐚𝐛𝐫𝐚𝐚𝐜𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐋𝐚𝐲𝐥𝐢 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝( 𝐢𝐧𝐭𝐞𝐫𝐧𝐬𝐡𝐢𝐩).

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In