Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adda Caafimaadka Adduunka WHO oo Ka Digaysa Awoodda Faafitaanka Viruska Crona.

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Hay’adda Caafimaadka Adduunka WHO oo Ka Digaysa Awoodda Faafitaanka Viruska Crona.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hay’adda caafimaadka adduunka WHO oo si gaar ah isha ugu haysa isbeddelka iyo saamaynta maalin kasta ka dhalanaysa cudurka dunida halakeeyey ee Corona Virus ayaa si adag uga digtay awoodda faafitaanka cudurkaas, waxayna tilmaantay in cudurku uu sii kordhayo marba marka ka danbaysa, taasoo tilmaamaysa in awoodda faafitaanka Crona Virus ee dunida oo dhan ay tahay mid aad u sarraysa.

Warbixino kala duwan oo ay soo saartay ayay qayb ka mid ah waxay ku tilmaantay in cudurka Crona uusan gaarin meeshii ugu sarraysay adduunka oo dhan, waxaana xaqiiq ah in 90% kiisaska ugu badan ay ka diiwaan gashan yihiin Mareykanka iyo Yurub, taas oo tilmaan u noqonaysa in adduunyada inteeda kalena ay khatar u yihiin in cudurku ugu faafo si lamid ah Yurub iyo Maraykan.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Hay’adda caafimaadka aduunyada WHO waxay rajo wanaagsan ka muujisay in tirada kiisaska cusub ay hoos udhacayaan qaybo ka mid ah dalalka Yurub oo ay kamid yihiin Talyaaniga iyo Spain, hay’adda WHO waxay intaa ku dartay in xaaladda faafitaanka cudurku ay wali halkeedii joogto oo uu xiligan si weyn ugu baahay dalalka Ingiriiska iyo Turkiga.

WHOP warbixinteeda waxay ku caddaysay in adduunyada oo dhan uusan wali cudurku gaarin meeshii ugu sarraysay balse uu hadda joogo meel dhexe iyadoo ilaa iyo hadda aan la helin dawadii ku haboonayd ee looga hor tagi lahaa Crona Virus, waxayna ka digtay haddii cudurku uu gaaro meesha ugu sarraysa inay noqon doonto xaalad aan waxba laga qaban karin isla markaana uu dhibaato u gaysan karo in ka badan inta uu hadda saamaynta ku yeeshay.

Turjumaadii:- Zakariye Khaliif Faarax

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Hogaamiyihii Xisbiga Madax-banaanida Turkiga oo u Geeriyooday  Corona Virus.

Next Post
Hogaamiyihii Xisbiga Madax-banaanida Turkiga oo u Geeriyooday  Corona Virus.

Hogaamiyihii Xisbiga Madax-banaanida Turkiga oo u Geeriyooday  Corona Virus.

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In