War ka soo baxay hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay inaysan jirin isbadal ku yimid duulimaadyadii maalin-laha ahaa ee tagi jiray magaalada Baydhaba ee xarunta KMG u ah dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.
“Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) waxa ay u xaqiijineeysaa dhammaan Shacab weynaha Soomaaliyeed in aysan jirin wax isbedel ama hakad ah oo ku yimid Duulimaad-yadii maalin-laha ahaa ee tagi jiray magaalada Baydhaba”. ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Hay’adda.