Tuesday, March 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo qabatay kulan wadatashi ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 month ago
in Wararka
0
Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo qabatay kulan wadatashi ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa qabatay kulan wadatashi hal maalin ah si dib-u-eegis iyo talooyin looga helo qabyo-qoraalka Xeer-Nidaamiyaha Ilaalinta Xuquuqda Macaamiisha Isgaarsiinta.

Kulanka waxaa ka soo qaybgalay shirkadaha isgaarsiinta, bixiyeyaasha adeegga internet-ka (ISPs), shirkadaha ka shaqeeya xargaha badda hoosteeda mara, wakiillo ka socday macaamiisha, iyo daneeyayaal kale oo muhiim ah si ay u falanqeeyaan qaab-dhismeedka qabyo-qoraalka una bixiyaan talooyin ku saabsan hirgelintiisa wax-ku-oolka ah.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda  abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

March 31, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Gobolka Shabeellada Hoose oo maamul KMG ah loo magacaabay

March 30, 2026

Wadatashigu wuxuu iftiimiyay ujeeddada siyaasadeed, mabaadi’da hagta xeer-nidaamiyaha, iyo qodobbada muhiimka ah ee ku jira qabyo-qoraalka.

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, oo ka hadlay furitaanka kulanka, ayaa tilmaamay baahida loo qabo xoojinta kalsoonida macaamiisha maadaama suuqa dijitaalka ee Soomaaliya uu sii ballaaranayo.

“Jawi isgaarsiineed oo caddaalad ah, hufan, isla markaana isla-xisaabtan leh ayaa lagama maarmaan u ah dhisidda kalsoonida dadweynaha iyo taageeridda isbeddelka dijitaalka ah ee dalka. Ilaalinta xuquuqda macaamiishu waa masuuliyad wadajir ah oo ka dhexaysa Hay’adda iyo bixiyeyaasha adeegga.”

Qabyo-qoraalka xeer-nidaamiyuhu wuxuu dejinayaa ilaalin cad oo ku saabsan xuquuqda macaamiisha iyo heerarka tayada adeegga; wuxuu xoojinayaa hufnaanta qiimeynta iyo shuruudaha qandaraaska; wuxuu qeexayaa waajibaadka hawl-wadeennada iyo shuruudaha u hoggaansanaanta, wuxuuna dhigayaa tallaabooyin fulineed iyo ganaaxyo lagu xaqiijinayo isla-xisaabtanka guud ahaan qaybta Isgaarsiinta.

Daneeyayaashu waxay soo jeediyeen aragtiyo la xiriira arrimaha hirgelinta, jadwalka waqtiga, iyo diyaar-garowga u hoggaansanaanta. Sidoo kale, waxaa dib-u-eegis lagu sameeyay natiijooyinka Sahanka Ilaalinta Macaamiisha iyo qorshaha lagu dhammeystirayo laguna dhaqan-gelinayo.

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka waxay tixgelin doontaa dhammaan talooyinka la soo jeediyay ka hor inta aan la soo saarin nuqulka kama dambaysta ah ee Xeer-Nidaamiyaha Ilaalinta Xuquuqda Macaamiisha Isgaarsiinta. Hay’addu waxaa ka go’an horumarinta suuq Isgaarsiineed oo tartan leh, ammaan ah, isla markaana si buuxda u ilaaliya danaha macaamiisha guud ahaan dalka.

 

Previous Post

Wasiirka Ganacsiga XFS oo Addis Ababa kula kulmay Claver Gatete

Next Post

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo qalabka diiwaangelinta gaarsiiyay Matabaan

Next Post
Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo qalabka diiwaangelinta gaarsiiyay Matabaan

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo qalabka diiwaangelinta gaarsiiyay Matabaan

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda  abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

March 31, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qayb galay munaasabadda maamuuska iyo abaalmarinta barnaamijka “Daaci...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Gobolka Shabeellada Hoose oo maamul KMG ah loo magacaabay

March 30, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS oo si KMG ah maamul cusub ugu magcaawday Gobolka Shabeellada Hoose.

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

March 30, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Muqdisho ku qaabishay ku xigeenka xafiis...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala dalkeenna

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala dalkeenna

March 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay danjireyaasha iyo wakiillada hay'adaha caalamiga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In