Saturday, January 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ka warbixisay qasaaraha fatahaadaha

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ka warbixisay qasaaraha fatahaadaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

War-saxaafadeed ka soo baxay hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka ayay ku sheegtay in bilowgii bisha Oktoobar 2023, guud ahaan dalka waxaa ka curtay roobka Deyrta, inta badan roobka ayaa si xooggan uga da’ay gobolada qaar ee dalka. Roobkaan ayaa geystay khasaaro baaxad leh oo isugu jira naf iyo maal, wuxuuna sababay in inta badan magaalooyinka go’doomaan, halka kuwa kalena waddooyinka ka xermaan taas oo saameysay isku socodka xaafadaha iyo goobaha dadweynaha. Khasaaraha ayaa isugu jira dhimasho, barakac iyo bur-bur hantiyadeed.

Inta la xaqiijiyay, tirada dadka fatahaadaha ay saameeyeen waa sida soo socota:-

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo u tacsiyeeyay Tifaftiraha Wakaaladda Wararka SONNA oo xaaskiisa ay ku dhimatay Muqdisho

January 23, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

January 23, 2026

Tirada saamaynta tooska ah ku yeelatay 850,000 qof.

1. Dhimashada guud 29 qof.

2. Dadka ku barakacay 305,000 qof

Roobabkaan ayaa si xooggan uga da’ay Koofurta iyo Bartamaha dalka gaar ahaan Dowlad Goboleedyada kala ah Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubaland.

Si gaar ah, xaalad adag ayaa ka jirta labada mgoboleed ee kala ah Jubaland iyo Koonfur galbeed gaar ahaan gobollada kala ah: Gedo, Baay iyo kool oo ay dad ku dhinteen kuwa badana ay ku barakaceen isla markaana ay ku hanti beeleen.

Maamul Goboleedka Gobolka Magaalada 

Jubaland State Gedo Luuq, Dolow, Garbahaarey, Baardheer, Ceelwaaq.

Jubada hoose Afmadow, Jamaame

Koofur Galbeed: Bay Baydhabo, Buurhakaba, Bardaale, Qansax Dheere

Bakool Xudur, Rabdhuure,

Hirshabelle: Hiraan Baledweyn iyo qaarka mid ah deeganada Hoostaga

Shabeelaha dhexe: Jowhar iyo deegaanada hoostaga

Galmudug:  Mudug Gaalkacyo

Galgaduud Dhusamareeb, Cadaaddo

GURMADKA HEY’ADA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA :

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ka jawaabeysa fatahaadaha ka dhacay dalka qeybihiisa kala duwan ayay maanta si dagdag ah udiyaarisay agabyo kala duwan ku waasoo isugujira rashiin tiradiisu gaaraysa in ka badan sadex boqol oo qoys.

Sida oo kale waxa ey hay’adda SoDMA gaarsiisay hal doon iyo laba matoor magalada Luuq iyada oo kaashaneysa Qaramada Midoobey ,kuwaaso lagu badbaadinayo dadka ku go’donsan musiibada daadadka . hay’addu waxaa kaloo ey diyaarisay daawooyin lagaga hortagayo cudurada kadhasha biyaha.

BAAQ

Waxaan baaq u dirayanaa shacabka Soomaliyeed, Ganacsatada, Culimada, Dowlada Federalka Somaaliya iyo Hay’addaha aan dowliga ahayn ee ku howlan arimaha bini-aadanimada in ay Dar-dar Galiyaan gurmadka iyo taageeradooda ku aadan xaaladan adag ee ay bulshada Soomaaliyeed ay xiligan wajahayso.

Sida aan la socono xiligan Dayrtu, wali waa bilow, waxayna saadaashu sheegeysaa in ay xaaladu ka sii dari-doonto sida ay hada tahay, Haddaba waxaan bulshada soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka aan uugu baaqayaa in ay ka feejignaadaan wax kasta oo khatar galinkara naftooda iyo Maalkooda.

SOOJEEDIN

Ugu danbeyn Waxaa bulshada Soomaaliyeed aan u soo jeedinayaa in ay u dhaga nuglaadaan fariimaha digniinaha ah ee ka soo baxaya Hay’adda Maareynta Musiibooyinka iyo Hay’addaha kale ee Dowlada iyo kuwa aan dowliga aheyn ee ka shaqeeya arimaha ka hortaga musiibooyinka dalka ka dhaca.

Previous Post

Ku-simaha duqa Muqdisho oo soo xiray aqoon iswaydaarsi loo qabtay Howlwadeenada degmooyinka

Next Post

Guddoomiye Kuxigeenka arrimaha Bulshada gobalka Banaadir oo kormeer ku sameeyay Ganacsiga Caasimada ee Habeenki

Next Post
Guddoomiye Kuxigeenka arrimaha Bulshada gobalka Banaadir oo kormeer ku sameeyay Ganacsiga Caasimada ee Habeenki

Guddoomiye Kuxigeenka arrimaha Bulshada gobalka Banaadir oo kormeer ku sameeyay Ganacsiga Caasimada ee Habeenki

Wasiirka Warfaafinta XFS oo u tacsiyeeyay Tifaftiraha Wakaaladda Wararka SONNA oo xaaskiisa ay ku dhimatay Muqdisho

January 23, 2026
0

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEEHI RAAJICUUN Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Da’ud Aweys Jaamac, ayaa ka...

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

January 23, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle oo safar shaqo ku jooga dalka Bakistaan, ayaa booqday xarunta Hay’adda...

Wasiirka Warfaafinta XFS “Dowladda xaq ayeey u leedahay in ay laasho heshiis kasta oo wax u dhimaya midnimada iyo madaxbannaanida dalka

Wasiirka Warfaafinta XFS “Dowladda xaq ayeey u leedahay in ay laasho heshiis kasta oo wax u dhimaya midnimada iyo madaxbannaanida dalka

January 23, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa sheegay in go’aanka dowladda ee...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Qaahira kaga qayb galay shirka 29-aad ee golaha Wasiirrada Carabta

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Qaahira kaga qayb galay shirka 29-aad ee golaha Wasiirrada Carabta

January 23, 2026
0

Magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa martigelisay shir heer sare ah oo ahaa Kulanka 29-aad ee Golaha Wasiirrada Carabta ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In