Wednesday, October 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ka warbixisay qasaaraha fatahaadaha

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ka warbixisay qasaaraha fatahaadaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

War-saxaafadeed ka soo baxay hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka ayay ku sheegtay in bilowgii bisha Oktoobar 2023, guud ahaan dalka waxaa ka curtay roobka Deyrta, inta badan roobka ayaa si xooggan uga da’ay gobolada qaar ee dalka. Roobkaan ayaa geystay khasaaro baaxad leh oo isugu jira naf iyo maal, wuxuuna sababay in inta badan magaalooyinka go’doomaan, halka kuwa kalena waddooyinka ka xermaan taas oo saameysay isku socodka xaafadaha iyo goobaha dadweynaha. Khasaaraha ayaa isugu jira dhimasho, barakac iyo bur-bur hantiyadeed.

Inta la xaqiijiyay, tirada dadka fatahaadaha ay saameeyeen waa sida soo socota:-

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

October 6, 2026

Tirada saamaynta tooska ah ku yeelatay 850,000 qof.

1. Dhimashada guud 29 qof.

2. Dadka ku barakacay 305,000 qof

Roobabkaan ayaa si xooggan uga da’ay Koofurta iyo Bartamaha dalka gaar ahaan Dowlad Goboleedyada kala ah Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubaland.

Si gaar ah, xaalad adag ayaa ka jirta labada mgoboleed ee kala ah Jubaland iyo Koonfur galbeed gaar ahaan gobollada kala ah: Gedo, Baay iyo kool oo ay dad ku dhinteen kuwa badana ay ku barakaceen isla markaana ay ku hanti beeleen.

Maamul Goboleedka Gobolka Magaalada 

Jubaland State Gedo Luuq, Dolow, Garbahaarey, Baardheer, Ceelwaaq.

Jubada hoose Afmadow, Jamaame

Koofur Galbeed: Bay Baydhabo, Buurhakaba, Bardaale, Qansax Dheere

Bakool Xudur, Rabdhuure,

Hirshabelle: Hiraan Baledweyn iyo qaarka mid ah deeganada Hoostaga

Shabeelaha dhexe: Jowhar iyo deegaanada hoostaga

Galmudug:  Mudug Gaalkacyo

Galgaduud Dhusamareeb, Cadaaddo

GURMADKA HEY’ADA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA :

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ka jawaabeysa fatahaadaha ka dhacay dalka qeybihiisa kala duwan ayay maanta si dagdag ah udiyaarisay agabyo kala duwan ku waasoo isugujira rashiin tiradiisu gaaraysa in ka badan sadex boqol oo qoys.

Sida oo kale waxa ey hay’adda SoDMA gaarsiisay hal doon iyo laba matoor magalada Luuq iyada oo kaashaneysa Qaramada Midoobey ,kuwaaso lagu badbaadinayo dadka ku go’donsan musiibada daadadka . hay’addu waxaa kaloo ey diyaarisay daawooyin lagaga hortagayo cudurada kadhasha biyaha.

BAAQ

Waxaan baaq u dirayanaa shacabka Soomaliyeed, Ganacsatada, Culimada, Dowlada Federalka Somaaliya iyo Hay’addaha aan dowliga ahayn ee ku howlan arimaha bini-aadanimada in ay Dar-dar Galiyaan gurmadka iyo taageeradooda ku aadan xaaladan adag ee ay bulshada Soomaaliyeed ay xiligan wajahayso.

Sida aan la socono xiligan Dayrtu, wali waa bilow, waxayna saadaashu sheegeysaa in ay xaaladu ka sii dari-doonto sida ay hada tahay, Haddaba waxaan bulshada soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka aan uugu baaqayaa in ay ka feejignaadaan wax kasta oo khatar galinkara naftooda iyo Maalkooda.

SOOJEEDIN

Ugu danbeyn Waxaa bulshada Soomaaliyeed aan u soo jeedinayaa in ay u dhaga nuglaadaan fariimaha digniinaha ah ee ka soo baxaya Hay’adda Maareynta Musiibooyinka iyo Hay’addaha kale ee Dowlada iyo kuwa aan dowliga aheyn ee ka shaqeeya arimaha ka hortaga musiibooyinka dalka ka dhaca.

Previous Post

Ku-simaha duqa Muqdisho oo soo xiray aqoon iswaydaarsi loo qabtay Howlwadeenada degmooyinka

Next Post

Guddoomiye Kuxigeenka arrimaha Bulshada gobalka Banaadir oo kormeer ku sameeyay Ganacsiga Caasimada ee Habeenki

Next Post
Guddoomiye Kuxigeenka arrimaha Bulshada gobalka Banaadir oo kormeer ku sameeyay Ganacsiga Caasimada ee Habeenki

Guddoomiye Kuxigeenka arrimaha Bulshada gobalka Banaadir oo kormeer ku sameeyay Ganacsiga Caasimada ee Habeenki

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

October 6, 2026
0

Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay ayna kasoo qeybgaleen Xildhibaanno Soomaaliyeed oo Baarlamaanka Canada ku metela Soomaalida, siyaasiyiin hore,...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

October 5, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta safar ku tagay degmadda Balanballe ee dowlad-goboleedka Galmudug,...

Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In