Friday, December 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
5 months ago
in Wararka
0
Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa qaaday howlgallo qorsheysan oo ka dhacay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo lagu dilay 13 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta oo ay ku jireen horjoogeyaal iyo maleeshiyaad.

Howlgaladan ayaa ka kala dhacay deegaannada Qoordheere, Xawaala-kulan, Reydableey iyo Ceelbaraf, iyadoo ciidamada NISA ay sheegeen in ay ku guuleysteen in ay burburiyaan saldhigyo ay ku dhuumaaleysanayeen iyo iyagoo la wareegay kayd hub ah hub. Ciidamada ayaa burburiyay teendhooyin iyo keyd hub ah oo ay kooxda Khawaarijtu ka dhisteen hooska geedaha.

Related posts

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

December 19, 2025
Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

December 19, 2025

Howlgalka ugu horreeyay ayaa ka dhacay deegaanka Qoordheere oo hoos taga degmada Raagaceelle, sida ay sheegeen saraakiisha NISA, kooxda la beegsaday ayaa muddo afar maalmood ah isku abaabulayey halka lagu weeraray.

Inta u dhaxeysa deegaannada Xawaala-kulan iyo Reydableey, ciidamada ammaanka ayaa fashiliyey qorshe ay Al shabaab ku doonayeen in ay amniga ku carqaladeeyaan, Waxaana goobta lagu dilay shan xubnood oo isugu jiray horjoogayaal iyo maleeshiyaad.

Ciidamada ayaa halkaas ku beegsaday koox Al shabaab ah oo la tuhunsanaa in ay qorsheynayeen falal argagixiso, Ilaa afar xubnood oo ka tirsanaa kooxda ayaa lagu dilay halkaas.

Taliska NISA ayaa ku sheegay war-saxaafadeedkooda ay kaga hadlayeen hawlgalkaasi ka dhacay gobolka Shablleeha Dhexe, in howlgallada noocan ah ay sii socon doonaan, iyagoo xusay in ay ka go’an tahay ciribtirka hadhaadiga  kooxda Khawaarijta ee Al-Shabaab.

Previous Post

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Next Post

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo magaalada Laascaanood ka wada kulamo lagu dardargelinayo dhammeytirka dhismaha SSC-Khaatumo

Next Post
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo magaalada Laascaanood ka wada kulamo lagu dardargelinayo dhammeytirka dhismaha SSC-Khaatumo

Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo magaalada Laascaanood ka wada kulamo lagu dardargelinayo dhammeytirka dhismaha SSC-Khaatumo

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

December 19, 2025
0

Maanta oo Jimco ah waxaa dadweynaha  fursad loo siiyay in ay qaataan kaarka codeynta,kaas oo si habsami leh uga socda...

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

December 19, 2025
0

Wasiirka Caafimaadka XFS Dr.Cali Xaaji Aadan Abuubakar iyo mas’uuliyiin kale ayaa xalay Cisbitaalka Degfeer ku booqday qoysa Soomaali ah oo...

Ciidanka Boliiska oo isu diyaariyay Xuska 82-aad ee ka soo wareegatay aas aaska Ciidanka

Ciidanka Boliiska oo isu diyaariyay Xuska 82-aad ee ka soo wareegatay aas aaska Ciidanka

December 19, 2025
0

Muqdisho(SONNA):-Booliska Soomaaliya oo diyaargarow ugu jira Xuska Sanad Guurada 82-aad ee kasoo wareegatay Aas Aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Taliyaha Ciidanka...

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

December 18, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta tababar usoo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In