Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adda Nabad sugidda oo soo bandhigtay magaca ninkii isku qarxiyay Hotel Jazeera

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Hay’adda Nabad sugidda oo soo bandhigtay magaca ninkii isku qarxiyay Hotel Jazeera
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho: 29-Jul-2015.Warbixin baaris hordhac ah oo ay soo saartay Hoggaanka Baarista HSNQ (NISA) oo ku saabsan qaraxii Hotel Jaziira ka dhacay maalinimadii 26/July/2015, 4ta Galabnimo (1600 GMT), faahfaahintu waa sida hoos ku qoran:-

 1. Qaabkii Qaraxa U Dhacay & Khasaaraha Uu Gaystey:-

Qaraxa noociisu wuxuu ahaa ismiidaamin loo adeegsaday gaari nooca Xamuulka ah (Nissan UD) oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kaasoo ku soo dhex dhuuntay dad qaxooti ah oo laga rarayey agagaarka Hoteelka, wuxuuna dusha soo saartay joodoriyaal & Alaab guri.

Khasaaraha uu gaystey qaraxaasi waxay kala yihiin. Dhimasho 17 qofood ah, Dhaawacuna kor u dhaafayey tobaneeyo, iyadoo qaarkoodna ay u dhinteen dhaawacyadii soo gaarey. Tirada Gaadiidka ku burburay qaraxaas waa 5 gaari & 1 mooto. Waxaa khasaare burbur soo gaarey dhismaha Hoteelka la weerarrey & guryo kale oo ka ag dhowaa Hotel Jaziira.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Sidoo kale dadka ku dhintay waxaa ka mid ahaa 2 suxufi, halka mid kalana uu ku dhaawacmay weerarkaas.

  1. Faahfaahin Ku Saabsan Naftii-Haligaha.

C/Risaaq Muuse Buux, ina Shukri Faarax, 30 jir, Reer Boorame ah, ku dhashay magaalada Tripoli-Libya, wuxuuna ku noolaa magaalada Born, Dalka Jarmalka. C/risaaq wuxuu soo maray Dalka Masar, markii uu dalka dib ugu soo noqonayey sanadkii 2012.

C/Risaaq wuxuu ku soo biiray kooxda UGUS 2013, ayadoo dad qurbo joog ah ay ku soo tashkiiliyeen.

 1. Mas’uuliyadda Qaraxaasi.

Qaraxaan mas’uuliyaddiisa waxaa sheegtay kooxda UGUS, waxaa soo baxayaa inay jiraan shaqsiyaad kale oo lahaa abaabulka & fududaynta weerarkaas, Waxaana la rumaysanyahay inay ka mid ahaayeen:-

  1. C/naasir Axmed Buuni, oo ahaa shaqsiga kor ka hagayey qaraxa ismiidaaminta ah, wuxuuna hada ku suganyahay magaalada Boorame.

Sidoo kale,

  1. Waxaa gacan wayn ka geystay fududaynta weerarkaas nin ka mid ahaa hoggaamiye kooxeedyada dalka soo marey, oo hada ka cararey magaalada Muqdisho. Waxaana socota baaris, dib ayaan ka soo sheegi doonaa magaca shaqsigaas & faahfaahin dheeraad ah.

Weli waxaa socota baaris ku saabsan falkaas aragagixisanimo ay soo maleegeen cadowga Nabad-diidka ah ee UGUS, wixii ka soo baxa baaristaas dib ayaan ka soo sheegi doonaa.

Mahadsanidiin.

 

 

Previous Post

Akhriso: Wasaaradda Warfaafinta oo fursado shaqo soo bandhigtay

Next Post

Wasiirka Warfaafinta oo sheegay in beesha caalamka ay bogaadisay horumarka dowladda “Dhageyso”

Next Post
Wasiirka Warfaafinta oo sheegay in beesha caalamka ay bogaadisay horumarka dowladda “Dhageyso”

Wasiirka Warfaafinta oo sheegay in beesha caalamka ay bogaadisay horumarka dowladda “Dhageyso”

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In