Friday, January 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adda Nabadsugidda oo soo bandhigtay horjooge lagu tuhmayo in uu ka tirsanyahay UGUS

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Horjooge ka tirsanaa Shabaab oo isku soo dhiibay dowladda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Howlgalkan ciidanka hay’adda Nabad sugida iyo Sirdonka Qaranka  ay 19 bishaan  ka  sameyeen deegaanka   Tareedisho  ee duleedka magalada Muqdisho  ayaa  lagu soo qabtay Libaan Cabdulahi Maxamed oo lasheegay in uu ka tirsan  yahay  ururka  Gumaadka Ummadda Soomaliyeed ee UGUS, isla markaana   lala xariiirinayo  in uu  ka dambeeyey dilal  qorshaysan oo  ka dhacay    gobolka  Benaadir  .

Hay’adda  Nabad sugida  iyo Sirdoonka Qaranka  ayaa Warbaahinta ugu soo bandhigay   xaruunta  Taliska   NISA  Horjogahan iyo   gaari nuuc  raaxada  iyo mooto la sheegay in  lagu fuliyey  qorshihii lagu dilay muwaadiniin Soomaaliyeed

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo u tacsiyeeyay Tifaftiraha Wakaaladda Wararka SONNA oo xaaskiisa ay ku dhimatay Muqdisho

January 23, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

January 23, 2026

Afhayeenka  Wasaradda  amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed yusuf Cismaan ayaa sheegay in horjoogahan lagu soo qabtay howgallo ay ciidamada ka sameeyeen duleedka Muqdisho.

“Gaarigiii  lagu dhibaateyey ama  ka qayb qaatay  dilal  faro badan oo ugu horeyey Allah u naxariistee  Gashanle sare  Dhabareey oo ka tirsanaa Hogaanka socdaalka  iyo jinsiyadaha, sidoo  kale  Cabdifarah Barre Guure  Guddoomiye  ku-xigeenkii  amniga iyo siyaasadda ee degmada Wadajir oo lagu dilay gudaha degmadaasi, sidoo kale  Cumar  Ubax shaqsi lagu magacaabi jiray  oo ka tirsanaa  Wasaradda gadiidka gaar ahan qaybta bixisa  taargooyinka gadiidka  iyo darawalkiisa    Cabdi Barwaaqo lagu magacaabi jiray  ,intasi oo muwaadin ayaa garigaan iyo mootadaan  aad u jedaan lagu dilay, ee ninkaan  la yiraahdo Liiban Cabdullahi Maxamed  oo markii uu howl  galayo ay  kooxda  UGUS isticmaali jiray magacyada Cabdulqaadir, Maxamed Cabdullahi, een iyo ninka labaad oo lagu magacaabo Aadan  Cabdullahi  Maxamed wax ay wateen garigaa ad u jeedan ee Isbaashiyada ah  oo taargadiis  tahay E I  16  04”ayuu yir afhayeenka Wasaradda amniga.

Inkastoo kooxaha Nabadiidka Al-Sahabab ay isku dayayaan in ay dhibaateeyaan bulshada ayaa hadana waxaa bar bar socda howlgallo hay’adaha amniga ay kaga hortagayaan dhibaatooyinkaasi, iyadoo horey loogu guuleystey in la fashiliyo dhagaro badan oo ay soo maleegeen maleeshiyaadka Kooxda UGUS.

 

 

Previous Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post

Waddooyinkii ku xirmay roobadkii ka da’ay Beladweyne oo dib u dayactir lagu bilaabay

Next Post
BELEDWEYNE: Ciidamada dowladda oo ka hor tagay weerar ay Al-Shabaab soo qaadeen

Waddooyinkii ku xirmay roobadkii ka da’ay Beladweyne oo dib u dayactir lagu bilaabay

Wasiirka Warfaafinta XFS oo u tacsiyeeyay Tifaftiraha Wakaaladda Wararka SONNA oo xaaskiisa ay ku dhimatay Muqdisho

January 23, 2026
0

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEEHI RAAJICUUN Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Da’ud Aweys Jaamac, ayaa ka...

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

January 23, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle oo safar shaqo ku jooga dalka Bakistaan, ayaa booqday xarunta Hay’adda...

Wasiirka Warfaafinta XFS “Dowladda xaq ayeey u leedahay in ay laasho heshiis kasta oo wax u dhimaya midnimada iyo madaxbannaanida dalka

Wasiirka Warfaafinta XFS “Dowladda xaq ayeey u leedahay in ay laasho heshiis kasta oo wax u dhimaya midnimada iyo madaxbannaanida dalka

January 23, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa sheegay in go’aanka dowladda ee...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Qaahira kaga qayb galay shirka 29-aad ee golaha Wasiirrada Carabta

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Qaahira kaga qayb galay shirka 29-aad ee golaha Wasiirrada Carabta

January 23, 2026
0

Magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa martigelisay shir heer sare ah oo ahaa Kulanka 29-aad ee Golaha Wasiirrada Carabta ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In