Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adda Qatar Charity oo daah furtay masharuuc lagu afurinayo 1100 kun oo qof guud ahaan dalka+sawirro

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Hay’adda Qatar Charity oo daah furtay masharuuc lagu afurinayo 1100 kun oo qof guud ahaan dalka+sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadan oo lagu daah furayay barnaamij loogu talagalay in lagu afuriyo ilaa 1100 kun oo isugu jira Barakacayaasha iyo Danyerta Muqdisho iyo gobolada Dalka ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho,waxaana ka qeybgalay Wasiirka Gargaarka,Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Soomaaliya,Danjiraah Qatar ee Soomaaliya Madaxda Hay’adda Qatar Charity,aqoonyahano iyo xubno ka socda bahda waxbarashada.

Dhaqaalahan ayaa waxaa iska soo uruuriyay shacabka iyo ganacsatada Dalka Qatar,kuwaasi oo ugu talagalay in ay caawiyaan shacabka Soomaaliyed,kuwoodi dhibaataysan.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Cabdinuur Xaaji Cali oo ah madaxa Hay”adda Qatar Charity xafiiskieeda Soomaaliya ayaa daahfurka ku faah faahiyay sida ay ugu talagaleen in ay u fuliyaan mashruucani afurinta dadka sooman.

“Maanta waxaan rabnaa in aan daahfurno mashruuc balaaran oo afurin ah,oo lagu afurin doono 1100 kun oo qof dhamaan gobolada dalka Soomaaliya,dhamaan gobolada ayuu ka bilowday,waxaana xooga saari doonaan dadka barakacayaasha ah,dadka barakacayaasha ah oo u badan deegaanak Treedishe iyo dhaman gobolada dalka,waxa gargaarka aan ugu talagalnay waqtigan oo dadku baahiy ay u qabaan,marka sanadkan saad wada ogsoontihiin waxaa soo daahay waqtigii roobka ayaa soo daaha, marka culeys ayaa ka dagaya dadka”.

Wasiiru Dowlaha Owqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya Cabdixakiin Ashkir ayaa talaabo wanaagsna ku tilmaamay u gargaaridad dadkan tabaalaysan iyo fursadaha waxbarasho oo Hay”adda Qatar Charity ay siiso dhalinyaro Soomaaliyeed.

“Dalkeenu wuxuu u baahanyahay in waxbarashada dhalinyarada iyo garaadkooda la garab istaago,si ay beri ay dadka iyo dalku ay u garab istaagaan,marka mashruucan waa mid dhiirogelin mudan,waxaa ka sii wanaagsan deeqaha waxbarasho ee ardayda la siinayo”.Ayuu yiri mudane Ashkir.

Ugu dambeyn wasiirka wasaaradda Gargaaka Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Siciid Xamsa ayaa siweyn uga hadlay howlaha gargaarka ee dalka ka socda iyo dhibaatooyinka ay qabaan bulshada Somaaliyeed,mahadcelin ka sokow wuxuu ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan in ay ku deydaan mashaariicdan gargaarka ah oo kale,si loo samatabixiyo dadka tabaalaysan.

Previous Post

Tartamaayasha Degmada Kismaayo oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka “SAWIRRO”

Next Post

Qadar:Dadka reer Falastiin oo loogu deeqay 480 milyan oo doolar.

Next Post
Qadar:Dadka reer Falastiin oo loogu  deeqay 480 milyan  oo doolar.

Qadar:Dadka reer Falastiin oo loogu deeqay 480 milyan oo doolar.

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In