Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adda Qatar Charity oo qayb cusub ku kordhisay Isbitalka Dayniile+sawirro

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Hay’adda Qatar Charity oo qayb cusub ku kordhisay Isbitalka Dayniile+sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad kooban oo xariga looga jaray xarunta cusub ee hooyada iyo Dhallaanka oo lagu kordhiyay isbitalka Dayniile ee Muqdisho waxaa ka qeybgalay wasiirka caafimaadka Soomaaliya Marwo Fowsiyo Abiikar Nuur madaxda Hay’adda Qatar Charity xafiiskeeda Soomaaliya oo kaalin ka qaadatay hirgelinta iyo qalabaynta xaruntaasi,

Guddoomiyaha demada Dayniile Maxamed Abuukar Jacfar ayaa ku ammaanay Hay’adda Qatar Charity sida ay u garab taagan tahay bulshada Soomaaliyeed goor kasta.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

mas’uuliyiintaan ayaa si wada jir ah u kormeeray qaybaha xaruntaasi ay ka kooban tahay,iyagoo u kuurgalay habka loo qalabeeyay iyo dhismaheeda iyo in ay dabooli karto baahiyaha bukaanada,wasiirka caafimaadka ayaa maamulka isbitalkaasi ka dhagaystay warbixin ku saabsan qaabka loo qalabeeyay xaruntaan iyo sida ay bukaanada baahiyohooda u dabooli karto.

Cabdi Nuur Xaaji Cali Madaxa Hay’adda Qatar Charity xafiiskeeda Soomaaliya ayaa faah faahiyay dowrkooda ku aadan howlaha xaruntaasi cusub lagu hirgaliyay iyo waxyaabaha ay ka kooban tahay.

“Maanta waxaa farxadweyn inoo ah in aan furno xarunta Hooyada iyo Dhalaanka ee Isbitalka Dayniile,xaruntan waxaa ay ka kooban tahay 11 qol oo dhamaan loogu talagalay hooyada iyo dhallaanka iyo farmashiiye leh,qaybtii Shaybaarka ,xaruntaan waxaa dhistay oo maalgalisay Qatar Charity,waxaana howsha socodsiinaysa Hay’adda back.”. ayuu yiri Cabdi Nuur Xaaji Cali

Wasiirka Caafimaadka XFS Marwo Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa bogaadiysay howlaha lagu garab istaagayo dadka danyarta ah,iyadoo ka wasaarada ahaan sheegtay in dowrkooda ay ka qaadanayaan sidii loo daabooli lahaa baahiyaha caafimaad ee bulshada.

“Hay’adda Qatar charity wax badan ayay dalka ka qabatay,ma ahan oo kaliya xaruntaan,waan u mahadcelinaynaa,xaruntan hooyada iyo dhalaanka waa waxyaabaha wadanka uu u baahanyahay,meelaha dalka uu ka nugulyahay waa Hooyada iyo Dhallaanka,anaga waxaan ku dadaalaynaa wax allaale wixii karaankeeni ah in aan raadino”.ayay tiri wasiirka Caafimaadka XFS Marwo Fowsiyo Abiikar Nuur.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Shirka xeer ilaalinta dalka oo ka furmaya Baydhabo

Next Post
Shirka xeer ilaalinta dalka oo ka furmaya Baydhabo

Shirka xeer ilaalinta dalka oo ka furmaya Baydhabo

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In