Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ayaa maanta ku dhawaad Boqol Qoys oo isugu jira carruur Agoon ah iyo Haween danyar ah waxa ay gargaar ugu qeybisay xaafadda Seebiyaano Degmada Hodon ee Gobolka Banaadir.
Gargaarka dadkaan la gaarsiiyey ayaa iskugu jira raashinka qeybihiisa kala duwan, waxaana dadki la gaarsiiyey u mahad naqeen Hay’adda SoDMA oo gargaarkaan soo gaarsiisay.
Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ayaa waxaa ka go’an caawinta dadka danta yar ee ku nool gudaha Caasimadda iyo Gobalada Dalka.