Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa maanta Magaalada Muqdisho si gaar ah Degmada Hodon waxa ay gargaar mucaawino ah ugu qaybisay 1,500 oo qoys, kuwaas iskugu jira danyar, barakacyaal iyo dad qaba baahiyaha gaarka ah.
Gargaarkaan oo ka kooban qeybaha raashinka, ayaa qoysaskii ka faa’iideeystay waxa ay u mahadnaqeen hay’adda Mareeynta Musiiboyinka Qaranka oo deeqdaan soo gaarsiisay.