Hey’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyeed ayaa maanta deegaanka Lafoole oo hoostaga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose waxa ay gargaar ugu qaybisay 4,350 Qoys oo kamid ah dadka deeganadodii uga soo barakacay Daadadka El-Niño iyo fatahaadaha Wabbiyada.
Qoysaskaan ayaa dhawaan waxa ay ka soo barakaceen deeganada kala ah Sabiid, Caanoole, Mubaraak, Awdhigle iyo tuulooyin kale oo hostaga degmada Afgooye, waxaana maalmihii danbe ay wajahayeen xaalad adag oo dhanka nolasha ah.
Qoysaska Gargaarkaan ka faa’iideeystay ayaa u mahadnaqay Hey’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyeed, taas oo mar walba ay ka go’antahay caawinta iyo u gargaaridda bulshada Soomaaliyeed ee iskugu darsoomeen daadadka ka dhashay Roobka deyrta iyo fatahaadaha Wabbiyada.