Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ee SoDMA, ayaa Maanta degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe waxa ay gargaar mucaawino ah ugu qaybisay 2,150 Qoys oo kamid ah dadka ay sameyeen Daadadka El-Niño oo ku nool gudaha degmadaas iyo tuuloyinka ku xeeran.
Gargaarkaan ayaa iskugu jiray qrybaha kala duwan ee raashinka iyo qeybaha maacuunta, waxaana qeybintiisa goobjoog ka ahaa Mas’uuliyiinta katirsan Hay’adda SoDMA iyo Guddoomiyaha degmada Balcad Qaasim Cali Nuur.
Shacabkii loo qeybiyey gargaarkan ayaa u mahadnaqay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA.
SoDMA ayaa waddo muddooyinkaan ka jawaabida baahiyaha,Bulshada ay sameeyeen daadka iyo fatahaadyada,ay sameeyeen Wabiyada dalka.