Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa degmada Xuddur gargaar raashin ah u qeybisay 1,000 qoys oo isugu jira danyar, dad naafo ah iyo kuwo dhawaan barakac ku yimid magaalada Xuddur ee xarunta gobolka Bakool. Deeqdan oo ka koobnayd qeybaha kala duwan ee raashinka ayaa loogu talagalay in lagu yareeyo saameynta adag ee abaaraha dalka ka jira ay ku yeesheen bulshada nugul.
Goobta lagu bixinayay gargaarkan waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiyaha degmada Xuddur iyo guddoomiyaha gobolka Bakool, kuwaas oo si weyn uga mahadceliyay hay’adda SoDMA oo dadaal ugu jirto gurmadka dadka ay abaaruhu saameeyeen.
Mas’uuliyiintu waxay xuseen in deeqdan ay timid xilli ay dadka deegaanka wajahayaan xaalado nololeed oo adag, iyagoo tilmaamay in gargaar noocan oo kale ah uu door muhiim ah ka qaadanayo badbaadinta nolosha qoysaska tabaaleysan.


















