Monday, January 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adda Tayo-dhowrka oo booliska ku wareejisay Kunteenaro raashin dhacay oo ay gacanta ku hayeen

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Hay’adda Tayo-dhowrka oo booliska ku wareejisay Kunteenaro raashin dhacay oo ay gacanta ku hayeen
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen madaxda sare ee Hay’adda Tayo Dhowrka Soomaaliyeed ayaa waxa ay uga hadleen howlaha hortebinta u leh Hay\adda ee ah ka hortagga badeecadaha dhacay iyo hubinta tayada badeecadaha dalka soo galaya, waxaana kulanka kadib ay beeniyeen warar been abuur ah oo sheegaya in raashinkii dhacay ee ay gacanta ku dhigtay Hay’adda lagu iibgeeynayo Suuqyada Muqdisho isla markaana ay gacanta ku hayaan 7di Kunteenar oo ay 7dii bisha March ay ku qabteen Dekada Muqdisho

Maxamuud Cilmi Fiidshe Agaasimaha Ilaalinta Tayada Badeecadaha Suuuqyada ee Hay’adda Tayo Dhowrka Soomaaliyeed ayaa xusay in warka been abuurka ah ee baraha lagu faafiyay uu yahay mid waxba kama jiraan ah, isla markaana ay weli gacanta ku hayaan oo aan jirin raashin suuq la geeyay.

Related posts

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Kismaayo

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Kismaayo

January 12, 2026
Odayaasha Dhaqanka oo Muqdisho ku qabtay Dibadbxa ay kaga soo horjeedaan Xadgudubka Israa’iil

Odayaasha Dhaqanka oo Muqdisho ku qabtay Dibadbxa ay kaga soo horjeedaan Xadgudubka Israa’iil

January 12, 2026

Sidoo kale Agaasime Maxamuud Cilmi Fiidshe ayaa tilmaamay in 7-da kunteenar ay ku wareejiyeen Taliska Booliiska ee Dekadda Xamar, si sharciga loola tiigsado ganacsatadii dalka soo gelisay raashinka dhacay.

Booliska ayaa looga fadhiyaa inay xafiiska xeer ilaalinta ku wareejiyaan kiiska la xiriira ganacsatada dalkeena soo gelisay raashinka dhacay si sharciga loola tiigsado, kaasi oo haddii magaalada geli lahaa ay caafimaad daro ku keeni lahayd bulshada Soomaaliyeed.



Previous Post

Maxkamadda CQS oo xukun ku riday sarkaal Danab ahaa oo loo haystay falal Argagixisanimo

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo daahfuray wajiga 2-aad ee adeegga 5G

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh oo daahfuray wajiga 2-aad ee adeegga 5G

Madaxweyne Xasan Sheekh oo daahfuray wajiga 2-aad ee adeegga 5G

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Kismaayo

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Kismaayo

January 12, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, si...

Odayaasha Dhaqanka oo Muqdisho ku qabtay Dibadbxa ay kaga soo horjeedaan Xadgudubka Israa’iil

Odayaasha Dhaqanka oo Muqdisho ku qabtay Dibadbxa ay kaga soo horjeedaan Xadgudubka Israa’iil

January 12, 2026
0

Bannaanbax ballaaran oo looga soo horjeeday faragelinta iyo xadgudubka YH-da Israa’iil ay kula kacday midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

Howlgallo lagu ciribtirayo khawaarijta oo laga fuliyay degaanka Aboorey 

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay Keydkii biyaha ee khawaarijtii …..

January 12, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay Keydkii biyaha ay dhigan jireen khawaarijtii laga xoreeyey deegaanka Jilib marka ee...

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan lagu soo bandhigayay Natiijada Qiimeynta iyo Hubinta Hufnaanta Qabashada, Xisaabinta iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In