Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) iyo Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) ayaa si wadajir ah u soo saaray baaq iyo talooyin wax-ku-ool ah oo looga hortagayo saameynta taban ee ka dhalan karta xilli roobaadka Guga ee Maarso, Abril iyo May – 2025 oo la filayo in ay ka hooseeyaan xaddiga caadiga, dibna uga dhacaan waqtigii la filayay in ay billaawdaan.