Friday, September 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’addaha u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka iyo Deeq-bixiyayaasha oo ka shiray dhameeystirka dastuurka+Sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Hay’addaha u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka iyo Deeq-bixiyayaasha oo ka shiray dhameeystirka dastuurka+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan laba geesood ah oo u dhaxeeya Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Gudigga Baarlamaanka ee La-socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, Gudigga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka iyo dowlahada iyo hay’adaha Deeqbixiyayaasha ayaa maanta kulan yeeshay iyaga oo adeegsanaya shir-muuqaaleedka qadka internetka.

Ugu horeyn, waaa shirka furay oo ka qeybgalayaasha warbixin la wadaagay Wasiirka Arrimaha Dastuurka Mudane Saalax Axmed Jaamac isaga oo ka hadlay howlaha qabsoomay ee lagu dhameeystirayo dastuurka.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

September 3, 2026
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026

“Sidaad la socotaan inta aysan na saameeyn xaaladda iminka uu caalamka la tacaalyo ee Coronavirus, waxa aanu safaro shaqo ku tagnay qaar kamid ah caasimadaha dowlad goboleedyada inaga oo madaxda iyo shacabka kala tashanay arrimaha dastuurka, waxaanu intaa sii garab socodsiinaynay olollaha wacyogelinta dadweynaha oo ka socday Muqdisho iyo dowlad goboleedyada; howlaha noo qorsheeysan waxa kamid ah in aan qabano banbax howleed golaha wasiirada kaga arinsanayaan dhameeystirka dastuurka si aragtida siyaasadeed oo dowladda dhexe ee dastuurka ku saabsan loo mideeyo” ayuu yiri Wasiirka.

Dhanka kale, Madaxa Hay’adda UNDP ee Soomaaliya Mudane Jocelyn Mason, Thomas Oertle oo matalayay dowladda Switzerland, Wacheke oo ka socotay dowladda Sweden iyo Jens Peter oo ah masuul katirsan hay’adda arrimaha gargaarka iyo horumarinta ee dalka Ingiriiska ee loo yaqaano DFID ayaa waxa ay howlaha qabsoomay ku tilmaameen kuwo wax ku ool ah waxa ayna ballanqaadeen in ay sii joogteynayaan taageeradooda ku aaddan dhameeystirka dastuurka.

Sidoo kale, Senator Xuseen Sheekh oo ka tirsan Gudigga Baarlamaanka ee La-socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa dhankiisa soo hadal qaaday in kala-fadhiga Baarlamaanka ee furmi doona ay ku rajo weynyiihiin inay horgeeyaan qodobada dib-u-eegista lagu sameeyay ee dasturka.

Ugu dambayn, Wasiir Saalax Jaamac oo shirka soo xiray ayaa ka qeybgalayaasha u xaqiijiyay in dowladda federaalka ay ka go’antahay dhameeystirka dastuurka sanadkan 2020ka.

Tags: Hay'adaha u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka iyo Deeq-bixiyayaasha oo ka shiray dhameeystirka dastuurka+Sawirro
Previous Post

Wasaaradda Boostada XFS oo ka hadashay kaalinta Shirkadaha Isgaarsiinta & Internetka ee Xilliga Coronavirus

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho 10.04.2020

Next Post
Dhegeyso: Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho 10.04.2020

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

September 3, 2026
0

Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa gaarsiisay deeq gargaar raashin ah kumannaan qoys oo nugul oo ku nool deegaanno...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026
0

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa maanta kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda, kaas oo diiradda...

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

September 2, 2026
0

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Doha ee Sayniska iyo Tiknoolajiyada (UDST) ayaa magaalada Doxa ku...

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

September 2, 2026
0

Shaqaalaha duulista Kenya ayaa Talaadadii soo afjaray shaqo-joojintii laba maalmood socotay, kaddib markii ay heshiis la gaareen dowladda iyo hay’adaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In