Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Waa tuma heesta ay qaaday Nimco Happy ee dunida dhan ku faaftay? (Daawo)

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
Waa tuma heesta ay qaaday Nimco Happy ee dunida dhan ku faaftay? (Daawo)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Heestan oo dhowr luqadood isugu jirta, laguna magacaabo ‘I sii Nafta’, ayaa sida dab keyn qabsaday ugu faafay baraha bulshada.sidoo kalena ay bulshada soomaaliyeed jecleysteen.

Nimco , waa fannaanad soomaaliyeed oo aan ku jirin kuwa caanka aha,sidoo kalena inta badan kama aaney soo muuqan jirin baraha bulshada, waliba waxaa dadka aad ugu adag in ay xogteeda soo helaan, maadaama isticmaalkeeda baraha bulshadu uu yaraa. Laakiin ereyada soo jiidashada leh ee heesta Nimco , ‘I sii Nafta’ ayaa bishii hore qabsatay baraha bulshada.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Heestaan ayaa bishii hore oo kaliya , waxaa lagu isticmaalay tiktok ga, ilaa 98,000 oo muuqaal oo iyada la saaray, si la mid ahna waxa ay bishaas heysteen twitter ka iyo instegram -ka. Sidoo kale heestaan ayaa waxaa share gareeyey Bella Hadid , oo ah gabar kuwa dharka xayeesiiya ah, iyo raabiistaha caanka ah ee Cardi B.

Miraha heesta ee ay dadku u xusheen in ay saartaan muuqaalda ay iska duubayaan , ayaa waxa ay isugu jiraan Soomaali, Carabi,English, iyo Sawahili. Heesta ayaa qeybta dadku ka soo goosteen u dhigmeysaa sidan;

 

Ogsoonoow inaan ku jeclahay

And I love you more than my life

Ana hibak yaa habiibi

Nakupenda mimi sana

Waa ujeeddaa caashaqayga

 C/kaafi cali, oo ah Somali-British , bartiisa Tiktok-ga ay ku xiranyihiin taageereyaal gaaraya 87000, ayaa sheegay in, markuu arkay bishii hore oo kaliya in heestaan boqolaal video lagu sameystay, sidoo kalena uu arki jiray hooyadii oo ku luqeyneysa dhowr sano ka hor, uu isaguna markiisa go’aansaday in uu saaro bartiisa muuqaal isaga oo ku dheelaya heestan.

Hase yeeshee waxaa la yaab noqotay in muuqaalkii uu maalin qura gaaray 1milion oo daawade.Nimco Happy, ayaa iyadu aan wali dhigin muuqaalka heesteedan aadka looga faa’iiday. Balse, warar soo baxaya ayaa sheegaya in ay nimco qorsheyneyso in ay heesteeda dhigto dhowr marso oo ka mid ah baraha bulshada ,si ay faa’iidada heesteeda wax uga hesho.

Halkan ka Daawo

 

 

Previous Post

Madaxweynaha Puntland oo furay Kalfadhiga 49-aad ee Golaha Wakiillada “SAWIRRO”

Next Post

Tababar ku saabsan wacyi-galinta qaadashada Tallaalka COVID-19 oo lagu soo xiray Gaalkacyo “SAWIRRO”

Next Post
Tababar ku saabsan wacyi-galinta qaadashada Tallaalka COVID-19 oo lagu soo xiray Gaalkacyo “SAWIRRO”

Tababar ku saabsan wacyi-galinta qaadashada Tallaalka COVID-19 oo lagu soo xiray Gaalkacyo “SAWIRRO”

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In