Monday, February 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Heshiis laga gaaray colaad beeleed ka jiray deegaanka Gadoon ee gobolka Galgaduud “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Heshiis laga gaaray colaad beeleed ka jiray deegaanka Gadoon ee gobolka Galgaduud “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiiro ka tirsan dawlad goboleedka Galmudug iyo saraakiisha ka socotay qaybta 21-aad ee xoogga dalka oo shalay iyo maanta dalaalo nabadeed ka waday deegaanka Gadoon ee gobolka Galgaduud iyo tuulooyinka ku hareeraysay oo maalmo ka hor ay ku dagaalameen maleeshiyo beeleed hubaysani ayaa maanta waxa ay ku guulaysteen in xabad joojin la sameeyo.

Wafdiga ayaa kulamo kala gaar gaar ah la qaatay waxgaradka labada beeleed, waxaana intaas ka dib la gaaray heshiis nabadeed, kaas oo ay u kala saxiixeen  Nabadoon Maxamed Calu Gureey iyo nabadoon Axmed Maxamuud Kadiye.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

February 1, 2026
Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

February 1, 2026

Mire Cali Abekar oo ka mid ah cuqaashii dadaalkaas nabadeed qaybta ka ahaa ayaa sheegay in lagu heshiiyay qodobadan

1-In xabad joojin rasmi ah la sameeyo.

2- waxaa la magacaabay gudi ka kooban 9-ruux oo ilaaliya nabadda wadahadladana fududeeya.

3-Waxaa 10-maalmood ka dib la isgu imaan doonaa shir dig u heshiisiineed oo lagu dhamaystirayo heshiiska

Wasiir ku xigeenka wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha Galmudug Maxamed Nuur Diini ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay la xisaabtamayaan dadka kiciya colaadaha, sidoo kalena  la soo qaban doono gacan ku dhiiglayaashii dagaalka sababay.

Wasiirka gaadiidka cirka iyo dhulka Galmudug Axmed Mire Cali ayaa waxgaardka kula dardaarmay dhaqangalinta heshiiskaasi nabadeed, waxaana uu nabasiib darro ku tilmaamay in xilligan oo waqti abaareed ah dadka colaad loogu sii daro.

Colaad beeleedkii maalmihii la soo dhaafay ka dhacday deegaanka Gadoon iyo hareerehiisa ayaa waxaa ku dhintay ilaa 4-ruux oo waqtiyo kala duwan la dilay.

IMG_0422 IMG_0423 IMG_0444 IMG_0454 IMG_0457 IMG_0466 IMG_0467 IMG_0482 IMG_0501 IMG_0506 IMG_0508 IMG_0516

 

 

Previous Post

Danjiraha Soomaaliya ee dalka Sweden oo waraaqaha aqoonsiga laga guddoomay

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso: warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

February 1, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa howlgal qorshaysan oo ay shalay ka fuliyeen deegaanka Maxaa Saciid ee Gobolka...

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

February 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, oo ay weheliyaan Wasiiru-Dowlaha iyo...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Dowladda oo War-saxaafadeed ka soo saartay hannaanka Amniga

February 1, 2026
0

Dowladda Soomaaliya waxay masuuliyadi ka saaran tahay amniga iyo badqabka muwaadiniinta, si taa loo fuliyo, xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay hore...

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

February 1, 2026
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay masuuliyiinta hoos ku xusan xilalka Guddoomiye Ku-xigeennada Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed:...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In