Sunday, June 8, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Heshiiska dhinacyada Siyaasadda ee Koofurta Suudaan oo la sii dhameystiray

admin by admin
November 1, 2018
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo ka qayb galay munaasabadda dhaqan gelinta heshiiska nabadda dalka Koonfurta Suudaan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dhinacyada ku kala irdhoobay siyaasadda Wadanka Koofurta Suudan ayaa waxaa lagu wadaa in colaadooda lagu soo dhameeyo heshiis ay marqaatiyaal ka yihiin qaar ka mid ah Madaxda Afrika.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa ka mid ah Madaxda ka qeybgaleuysa, kuwaasi oo marqaatiga ka noqon doona Heshiiska dhinacyada Koofurta Suudaan.
Waxyaabaha lagu heshiiyay ayaa waxaa ka mid ah, in la sameeyo hub ka dhigis, in la dhiso dowlad wadaag ah iyo in la siidaayo maxaa biistii la kala qabsaday intii colaada ay socotay.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025

Maxamed Caalin oo ah Aqoonyahan si gaar ah ula socda siyaasadda Geeska Afrika ayaa sheegay in heshiiskaan uu macno weyn u sameynayo Shacabka Koofurta Suudaan ee Colaada ka daalay iyo dalalka kale ee ku yaala Geeska Afrika.

Xaaladda Koonfurta Suudan waxay tahay, isagoo ah Wadanka ugu da’da yaraa ee Qaaradda Afrika ka dhasha, ayna hore u soo daashadeen dagaal iyaga iyo Wadanka Suudaan ka dhaxeeyay, islmarkaana u suurtogashay inay helaan Xorriyaddii muddo sanado badan ay u dagaalamayeen, balse waxaa nasiib darro ah in in yar kadib uu dagaal ka dhex qarxo gudahooda, waxaa iska horyimid Madaxweynihii iyo Madaxweyne ku xigeenkii Dalkaasi, waxaan uu dagaalkaasi sababay inay dhacdo dhimasho badan, bur-bur dhinayo badan leh iyo qaxooti badan oo u kala firday wadamada la jaarka ah.

Kadib waxaa lagu guuleystay in heshiis la dhexdhigay, weyna aqbaleen dhinacyadii isku hayay colaadda Suudaanta Koonfureed, waxaase la isweydiin karaa maxaa ka dhigan yahay ama umihiim u yahay?, mar heshiiskaani waxa uu muhiim u yahay Harada weyn ama horooyinka oo ay ka mid tahay Ugaandha, Kenya, Itoobiya, Suudaan, koonfurta Suudaan iyo kuwa kale, waxaase ugu muhiimsan in dadka reer Koonfurta Suudaan inay nabad helaan, taasi oo ay Caalamka iyo wadamada Geeska afrikaba ay rajeynayaan.

Heshiiska ayaa qodobada ugu muhiimsanaa ayaa waxaa ka mid ah, in Labada hoggaamiye inay sidooda xilka u sii hayaan, hub ka dhigis in Dalka laga sameeyo, in Ciidanka la qarameeyo, dib u habeyn in lagu sameeyo Waddooyinkii, Saldhigyadii, goobihii Caafimaadka, in la isku celiyo wixii Maxaabiis ahaa ee la kala qabsaday iyo kuwa kale, balse waxaa ugu muhiimsan in la helo siyaasad mideysan iyo is-dhexgal bulsho oo ay Dadku isla noolaadaan.

Haddaba wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo oo u ambabaxay Dalka Suudaanta Koonfureed Caasimadiisa Jubba, ayaa Ujeedka Safarkiisu yahay ka qeyb galka munasabad loogu dabaal-dagayo dhameystirka heshiiska dhinacyada isku hayay siyaasadda dalkaasi oo in muddo ah ay dagaallo ka socdeen, sidoo kale waxaa munaasabadaasi ka qeybgalay Hogaamiyeyaal ka socda Midowga Afrika, Urur Goboleedka IGAD, kuwaasi oo si dhow ula socday xaaladaha murugeysan ee ka taagnaa Dalkaasi Suudaanta Koonfureed.

Dowladda Suudaanta Koonfureed ayaa ka mid ah Wadamada uu xiriirka diblomaasiyadeed uu kala dhexeeyo Soomaaliya, waxaana dalkaasi ku nool kumanaan Soomaali ah, kuwaasi oo ganacsi waaweyn ku leh dalkaasi.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shalay gaaray magaalada Jubba ee caasimadda dalka Koonfurta Suudaan ayaa ka qayb galay munaasabad loogu dabbaaldegayo heshiiska nabadeed ee dalkaas oo Madaxda Urur Goboleedka IGAD ay garwadeen ka ahaayeen.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka mid ahaa Madaxweynayaashii markhaatiga ka ahaa heshiiskii nabadeed ee bishii September magaalada Addis Ababa ku dhexmaray dhinacyada Koonfurta Suudaan, kaasi ioo looga gol lahaa xal u helista khilaafka dalkaasi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo hadal ka jeediyey munaasabadda loogu dabbaal degayo heshiiskii nabadeed ee la gaaray ayaa waxa uu xusay dhibaatada dagaalka sokeeye, isaga oo si faahfaahsan uga sheekeeyey burburka Soomaaliya ka soo gaaray iyo sida ay haatan Shacabka Soomaaliyeed uga soo kabanayaan, wuxuuna dul istaagay aragtida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku saleysan daris-wanaagga iyo in ay dadaal ku bixiso nabadeynta Gobolka Geeska Afrika, si loo xoojiyo iskaashiga, wax-wada-qabsiga iyo horumarka shucuubta walaalaha ah, wuxuuna kula dardaarmay Madaxda dalka Koonfurta Suudaan in ay ilaashadan heshiiskan nabadeed, kana shaqeeyaan sidii ay uga miradhalin lahaayeen himilooyinka shacabkooda.

Dowladda Koonfurta Suudaan ayaa casuumaad rasmi ah oo ku saabsan munaasabaddan waxa ay u soo dirtay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, si loo xuso doorka dibloomaasiyadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay ku laheyd xal u helista colaadaha sokeeye ee dalkaasi.

W.D: C/laahi Ruush

Previous Post

labo Burcad ah oo dadka shacabka dhicijiray oo la xukumay “Sawirro”

Next Post

UN envoy to Yemen welcomes calls for resumption of peace talks

Next Post
UN envoy to Yemen welcomes calls for resumption of peace talks

UN envoy to Yemen welcomes calls for resumption of peace talks

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
0

Horjoogeyaal kale oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ku geeriyooday howlgal qorshaysan oo si wadajir ah ay u fuliyeen Ciidanka...

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025
0

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo kaashanaysa hay’adda Xikmo Charity ayaa maanta markale degmada Dayniile ee gobolka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

June 7, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva -...

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

June 5, 2025
0

Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsanaan doona dalka Yemen mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed),ayaa warqadaha aqoonsiga danjirannimo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In