Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad lagu saxiixayay hirgelinta heshiiska iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo saldhig u ah xoojinta iskaashiga Khayraadka Badda iyo kobcinta dhaqaalaha buluugga.
Heshiiskan oo ku saleysan is-afgaradkii ay gaareen Madaxweynayaasha labada dal Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Mudane Recep Tayyip Erdogan, ayaa horseeday aasaaska shirkadda SOMTURK bishii Diseembar 2025. kadib iiskaashi dhexmaray Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Soomaaliya iyo shirkadda Turkiga ee OYAK.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa tilmaamay in Shirkadda SOMTURK ay door muhiim ah ka qaadan doontaa nidaaminta iyo bixinta rukhsadaha kalluumeysiga caalamiga ah ee ka dhaca Aagga Dhaqaalaha Gaarka ah (EEZ) ee Soomaaliya, iyada oo si dhow ula shaqeyn doonta Wasaaradda, waxa ay gacan ka geysan doontaa la-dagaallanka kalluumeysiga sharci darrada ah, xoojinta awoodda ciidamada badda iyo ilaalinta xeebaha, iyo horumarinta kaabeyaasha kalluumeysiga dalka.










