Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane, Xasan Cabdulqaadir Maxamed, ayaa xarigga ka jaray dhismaha Xafiiska Bar-xuduudeedka Doolow ee Gobolka Gedo oo ay ku shaqeyn doonto Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.
Dhismaha xafiiskan cusub ee laga howlgaliyay Bar-Xudeedka Degmada Doolow ee Gobolka Gedo, ayaa ah mid la jaanqaadi kara xarumaha wadamada horumaray, maadaama loo dhisay loona qalabeeyay hab casriya, waana qeyb ka mid horumarinta ay Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya {HSJ} ku waddo guud ahaan Socdaalka Dalka, gaar ahaan baraha ama xuduudaha laga soo galo dalka.
Ugu dambeyn, Munaasabadda xarigga looga jarayay dhismahaan cusub oo loo dhisay Bar-Xuduudeeka Doolow, ayaa waxaa ka soo qeybgalay Agaasimaha Laanta Labaad ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Gudoomiyaha Arrimaha Bulshada ee degmadaas, Taliyaha Saldhiga Degmada iyo Saraakiisha ka howlgasha bar-xuduudeedka Doolow.