Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hirshabeelle oo ka mahad celisay doorka ay Dowladda federaalka ka geysatay caawinta Dadka ku waxyeelloobay fatahaadda Webiga Shabeelle

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Hirshabeelle oo ka mahad celisay doorka ay Dowladda federaalka ka geysatay caawinta Dadka ku waxyeelloobay fatahaadda Webiga Shabeelle
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Baarlamanka Hirshabeelle, Sheekh Cusmaan Barre Maxamed, ayaa ka mahad celiyay doorka ay Dowladda federaalka Soomaaliya ka geysatay fatahaadda uu Webiga Shabeelle ka geystay Magaalada Baladweyne.

Sheekh Cusmaan , oo Khadka Taleefanka ugu Warramayay Wakaaladda SONNA isagoo ku sugan Magaalada Jowhar, ayaa tilmaamay inay jiraan dedaallo baaxad leh oo ay waddo Dowladda dhexe halkaasna ay gaareen madaxda ugu sarraysa Dalka, balse ayan ku fillayn, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in lasii Laba laabo howsha socota.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Guddoomiye Sheekh Cusmaan Barre ,ayaa sidoo kale sheegay inay jiraan Lacago  badan oo ay ku deeqeen Dowladda Federaalka, Gobolka Banaadir, qaar ka mid ah maamullada Dalka iyo Bulshada Hirshabeelle, wuxuuna intaa raaciyay inay jiraan ballanqaadyo ka imanaya Dowlad Goboleedyada iyo hay’adaha samafalka.

“Runtii gurmad badan waa jiraa Dowladda Soomaaliyaa ugu horreysa oo ku deeqday Lacag badan, Gobolka Banaadir sidoo kale, maamullada kale qaarkood, Reer Hirshabeelle laftooda wey isku gurmadeen, ayuu yiri Guddoomiyuhu.

Sheekh Cusmaan ayaa Dadka ku barakacay daadadkii ka dhashay fatahaadda ku qiyaasay Boqol Kun oo Qoys, wuxuuna intaa raaciyay inay jiraan dhimasho, bur-bur hantiyeed iyo khasaarooyin kale oo sida looga soo kabtaa ay adag tahay.

Hay’adaha gargaarka ayuu ugu baaqay inay sii Laba laabaan dedaallada lagu samata bixinayo Dadka ay saamaysay fatahaadda, isagoo  walaac ka muujiyay Garoonka Diyaaradaha oo ku xirmay Roobab iyo Daadad is biirsaday, taasoo gaabis ku keeni karta gurmadkii loo fidin lahaa Dadka ku tabaalaysan duleeddada Magaalada Baladweyne.

Guddoomiyaha Baarlamanka maamulka Hirshabeelle ,ayaa sheegay inay xallin doonaan cabashooyinka ka yimmaadda Bulshada dhibbanayaasha ah xilliyada ay dhacaan musiibooyinkan oo kale, wuxuuna ballan qaaday inay si habsami leh u gaarsiin doonaan Dadka loogu tala galay deeqaha kala duwan ee ka yimid Dowladda federaalka iyo hay’adaha caalamiga ah ee samafalayaasha ah.

Previous Post

Ra”iisul Wasaare Kheyre iyo Wefdi uu hogaaminayo oo dalka dib ugu soo laabtay

Next Post

Tababar loo soo xiray Ciidan ka tirsan Ururka 60-aad ee qaabilsan Ilaalada Madaxtooyada+Sawirro

Next Post
Tababar loo soo xiray  Ciidan ka tirsan Ururka 60-aad ee qaabilsan Ilaalada Madaxtooyada+Sawirro

Tababar loo soo xiray Ciidan ka tirsan Ururka 60-aad ee qaabilsan Ilaalada Madaxtooyada+Sawirro

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In