Saturday, March 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hogaamiyihii Inqilaabka Mali oo kulan deg deg ah looga yeeray si uu ula kulmo hogaamiyaasha Galbeedka Africa.

admin by admin
5 years ago
in Wararka
0
Hogaamiyihii Inqilaabka Mali oo kulan deg deg ah looga yeeray si uu ula kulmo hogaamiyaasha Galbeedka Africa.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kornel Assimi Goita, hogaamiyihii inqilaabka ee Mali iyo madaxweynaha cusub ee ku meelgaarka ah ee dhawaan loo magacaabay, ayaa looga yeeray kulan deg deg ah oo ay isugu imaanayaan hogaamiyaasha Galbeedka Afrika ee Ghana.

Shir madaxeedkaan oo aan caadiga ahayn ayaa lagu wadaa  maanta in 15-ka xubnood ee ka socda kuwa Dhaqaalaha ee Galbeedka Afrika (ECOWAS) ay ka wada hadlaan sidii wax looga qaban lahaa afgambigii labaad ee Mali muddo sagaal bilood gudahood ah ka dhacay.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la afuray ciidanka xoogga

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la afuray ciidanka xoogga

March 6, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Jeneraal Maxamed Cali Abokor

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Jeneraal Maxamed Cali Abokor

March 6, 2026

Goita wuxuu ka tagay Bamako isagoo aaday caasimada Ghana ee Accra, sabtidii ka dib markii uu helay warqad ECOWAS ah oo lagu weydiisanayo “wadatashi”, sida ay sheegtay wakaalada wararka ee AFP.

Xafiiska madaxweynaha Mali, ayaa qoraal uu soo dhigay Facebook, wuxuu ku sheegay in Goita uu ka qayb qaadan doono shir madaxeedka aan caadiga ahayn “oo uu la barbar dhigi doono dhiggiisa” sidoo kale wuxuu wadahadallo laba geesood ah la yeelan doonaa hoggaamiyeyaasha gobolka.

ECOWAS – oo ka shaqeyneyso sidii loo  dhexdhexaadin lahaa waxii ka dhacay bishii Agoosto ee la soo dhaafay markii Goita iyo kuwa kale ay ridayeen madaxweynihii sida dimoqraadiga ah loo soo doortay ee Mali Ibrahim Boubacar Keita – waxaana ay  ka digayeen in  dib loogu celin karo cunaqabateyntii ka dib awooddii ugu dambeysay ee kornaylka.

Ururku wuxuu ku baaqayaa in la joojiyo wax walbo oo sii kordhin karo xasillooni darrada ka jirta waqooyiga iyo bartamaha Mali waxaana ay sheegeen in tani ay sii  wiiqayso dagaalka gobolka ee lagula jiro kooxaha hubeysan ee xiriirka la leh Al-Qaacida iyo ISIS.

Previous Post

Howlgal ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab oo ka socda gobolka Shabeellaha dhexe+Sawirro

Next Post

Ciidamadda Badda ee Tuunis oo soo badbaadiyay in ka badan 100 tahriibayaal ah

Next Post
Ciidamadda Badda ee Tuunis oo soo badbaadiyay in ka badan 100 tahriibayaal ah

Ciidamadda Badda ee Tuunis oo soo badbaadiyay in ka badan 100 tahriibayaal ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la afuray ciidanka xoogga

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la afuray ciidanka xoogga

March 6, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta la afuray cutubyo ka tirsan  Ciidanka Xoogga Dalka, isaga oo ku...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Jeneraal Maxamed Cali Abokor

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Jeneraal Maxamed Cali Abokor

March 6, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh ka diray geerida, Alle ha u naxariistee, Janaraal...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Afur Sharafeed degmada Xamarweyne ugu qabatay Bulshada Banaadiriga

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Afur Sharafeed degmada Xamarweyne ugu qabatay Bulshada Banaadiriga

March 6, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Muqdisho Afur Sharafeed ugu...

Guddoomiyaha Gobalka Benaadir oo booqday xerada Ciiidanka ee Qorilow

Guddoomiyaha Gobalka Benaadir oo booqday xerada Ciiidanka ee Qorilow

March 6, 2026
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), oo uu wehliyay Xildhibaan Cusmaan Maxamed Maxamuud...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In