Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Wafdiga hoggaamiyaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay wasiirro ka tirsan xukuumadda, siyaasiyiin deegaanka ah, saraakiil iyo qeybaha kale ee bulshada.
Socdaalka hoggaamiyaha KMG ah ayaa la xiriira dhammeystirka qorshaha dhisidda nidaam maamul oo ku yimaada rabitaanka shacabka Koonfur Galbeed, taas oo ay ballan qaaday Dowladda Federaalka Soomaaliya.










