Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hooyo Khadiijo “3-Carruur ah ayaa baahi iiga dhimatay aniga oo arkaya” DAAWO

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Hooyo Khadiijo “3-Carruur ah ayaa baahi iiga dhimatay aniga oo arkaya” DAAWO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Khadiijo Maxamed waa qof waayeel ah hadda waxay ka mitahay dad badan oo ka soo hayaamay deegaannada ay ka jiraan Abaaraha oo soo gaaray magaalada Muqdisho, waxayna ku jirtaa xero ku taala Degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho.

Waxay si dareen leh ay kaga sheekaysay saamaynta ay ku yeelatay Abaaraha ka jira Gobalada Soomaaliya iyo Caruur ay heesay oo Baahi u dhintay iyadoo u jeeda oo aanan waxba u qaban Karin.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

“Waxaan heestay Afar Carruur ah oo ay dhashay Gabar aan anigu dhalay, Saddex ka mid ah waxay u dhinteen Baahi, hadda hal wiil oo ii soo haray ayaan Muqdisho ku keenay Lacag aan dad ka soo Tuugsaday.” Ayay tiri Khadiijo Maxamed.

Hooyadaan  oo ay ka muuqato diifta ay ku reebtay Abaarta ayaa haatan waxay ku jirtaa Xero ku taala degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale ay dareemaysaa Xanuun dhanka caloosha ah sida ay sheegtay.

Marka laga soo tago dadkaan fursada u helay inay soo gaaraan magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka waxaa jira dad kale oo Abaaruhu aad u saameeyeen oo aanan heesan xataa wax ay ku soo gaaraan magaalooyinka, kuwaas oo u baahan gar gaar deg deg ah.

Tan iyo bishii November ee Sanadkii hore oo kaliya waxaa guddaha dalka ku barakacay dad gaaraya 135,000 oo qof kuwaasi oo ay saamaysay Abaarta daran ee haatan ka jirta Soomaaliya, sida ay sheegtay maanta Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR.

 

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Faaqidaada ee Radio Muqdisho

Next Post

Guddoonka golaha shacabka oo kormeeray hoolka ay ka dhaceyso caleema saarka Madaxweynaha

Next Post
Guddoomiyaha Barlamanka oo dalka ku soo laabtay kadib safar uu ku tagay dalalka Ciraaq iyo Turkiga

Guddoonka golaha shacabka oo kormeeray hoolka ay ka dhaceyso caleema saarka Madaxweynaha

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In