Thursday, July 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Horjoogaha kooxda Al-Shabaab oo soo duubay muuqaal Calaacal iyo Cataaw ah

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan argagixisada Alshabaab oo lagu laayay Gobolka Hiiraan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shan sano kadib markii uu xilka qabtay horjoogaha kooxda Al-Shabaab ee argagaxisada ah, ayuu markii ugu horraysay soo duubay muuqaal dheer oo soconaya muddo dhan 52 daqiiqo.

Marka loo eego si guud dulucda muuqaalkaan, wuxuu isugu jiraa sheegasho been ah, Calaacal iyo marin habaabin qaawan oo caada u ah horjoogaha kooxdaan.

Related posts

Wasiirka Xanaanada Xoolaha XFS oo Addis Ababa kaga qaybgalay Shirka Madasha Horumarinta Suuqyada Xoolo-dhaqatada Afrika

Wasiirka Xanaanada Xoolaha XFS oo Addis Ababa kaga qaybgalay Shirka Madasha Horumarinta Suuqyada Xoolo-dhaqatada Afrika

July 16, 2026
𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐮𝐠𝐭𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐮𝐠𝐭𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚

July 16, 2026

Muuqaalka oo la mal-dahay isla markaana la hoosaasiyay qaybo badan oo ka mid ah, ayaa waxaa laga dheehan karaa duruufaha guud ee ku xeeran horjoogaha kooxda,  welwelka lasoo darsay kooxda, iyo mustaqbalka kooxda argagaxisada ah ee Al-Shabaab.

Muxuu uu usoo muuqtay Horjoogaha Kooxdu Xilligaan?

Ugub ma ahan in horjoogaha kooxda oo 5 sano jirsaday oow soo diro farriimo marin habaabin ah, balse waxaa hadda cusub ah in uu ka fursan waayay inuu soo muuqdo laftiisu, taasoo mamnuuc ka ah horjoogayaasha kooxaha aragagxisada dunida oo dhan, hadii aysan jirin duruufo adag oo lama dhaafaan ah.

Xeel-dheerayaal daawaday muuqaalkaan ayaa ku sababeeyay soo muuqashada horjoogaha kooxda arrimaha soosocda:-

  1. Wuxuu muddo la tacaalayay cudur dilaa ah, welina wuu xanuun sanyahay, wxuuna isku dayayay muujinta in uu nool yahay. Waxaa caddayn u ah in uu ladaala dhacayo cudur dilaa ah saacadda uu xirnaay oo ah mid loo xirto arrimo caafimaad iyadoo sheegayso dhaqdhaqaaqa xibnaha muhiimka ah ee jirka qofka.
  2. Horjoogaha kooxda waxaa culays xoog leh kasoo food saaray kala qayb sanaanta xooggan ee ka jirta kooxada dhaxdeeda, taasoo ku qasabtay in uu soomuuqdo si uu isagu dayo in uu damiyo xasaradah ka dhax aloolsan kooxda Al-Shabaab.
  3. Kooxda Al-Shabaab waxaa culays adag ka soo wajahay duqay maha cirka ah iyo weerarada dhulka ah, waxayna wajahaysaa xaalad amni oo aad u adag. Arrintaan ayaa keentay in Horjoogaha kooxda Al-Shabaab ku cataabo Shacabka Maraykanka.

Calaacalka Horjoogaha kooxda Al-Shabaab

Muuqaalka uu soo diray horjoogaha kooxda Al-Shabaab, waxaa badankiisu ka dhignaay walwal iyo walbahaar ka dhashay duruufaha amni ee ku xeeran kooxdaan. Hadalka Horjoogaha kuma jirin ama kuma badnayn Gabay, Qiiro iyo Digasho sida horay looga bartay, taasoo ka dhigan in muuqaalka uu soo diray uu yahay calaacal iyo calool jileecsi.

Horjooguhu, wuxuu ku calaacalay shacabka maraykanka, isagoo illaabay in ururka uu ka tirsan yahay ee Al-Qaacidda uu yahay midkii gaysatay weerakii 11/9 ee lagu dilay kumanaan ah muwaadiniinta Maraykanka.

Sidoo kale, horjooguhu kuma hadaaqin hadalladii caadada u eheed sida; Murtad, Gaala raac, Daru kufri iyo wixii la mid ah, taasoo muujinayso in uu shacabka Soomaaliyeed calool jilacsanayo xilligaan.

Mustaqbalka Kooxda Al-Shabaab

Muuqaalka Horjoogaha Kooxda Al-Shabaab, wuxuu kusoo aaday maalmo kadib markii lagu dilay dalka Siirya horjoogihii kooxda argagaxida ee Daacish Abuukar Al-Baqadaadi, taasoo walwal wayn ku abuurtay Ahmed Diiriye (geeridii galbeed laga sheego gonad haaga ka filo).

Ma ahan arrin si caadi ah u dhacdo in horjeege kooxaha argagaxisada uu iskiis usoo muuqdo iyadoon laga fursan wayn. Ahmed Diiriye (Horjoogaha kooxda Al-Shabaab) ayaa markaan ku jiri waayay godkii oow ku dhuuman jiray culayso badan oo soo wajahay oowgood.

Culaysyada kooxda Al-Shabaab Xilligaan haysta, waxaa ka mid ah duqaymo ay ku hoobanayaan Horjoogayaashooda iyo ciidamdooda, soogooshasada Horjoogayaashooda iyo Afenterigooda, isqab qabsi iyo aragti kala duwanaasho ka aloolsan dhaxdooda,  sii idlaashada Horjoogayaashii aasaasay kooxda iyo duugowga aragtidii gurracneed ee kooxdu ku albaabtay.

Intaas waxaa dheer, in xilligaan aysan kusoo biiraynin Al-Shabaab Ajaanib dagaal doon ah, iyo in ay gaartay kooxdu da,da ay ku bur-buraan ururada hubaysan dunida oo dhan.

Sababahaan kor ku xusan oowgood iyo kuwa kale oo keenay in horjoogaha kooxdu isqari waayay, waxay markaati madoonta ka dhigayaan in maalmaha Al-Shabaab u haray ay yihiin fara ku tiris,ayna kooxdu xilligaan tahay naf la goowracay oo rafanayo.

 

 

Previous Post

Wefdi uu hugaaminayo wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta oo ay ku jiraan Safiirro oo tagay Baladweyn

Next Post

Diyaarado gaargaar sido oo ku wajahan Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan.

Next Post
Diyaarado gaargaar sido oo ku wajahan Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan.

Diyaarado gaargaar sido oo ku wajahan Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha XFS oo Addis Ababa kaga qaybgalay Shirka Madasha Horumarinta Suuqyada Xoolo-dhaqatada Afrika

Wasiirka Xanaanada Xoolaha XFS oo Addis Ababa kaga qaybgalay Shirka Madasha Horumarinta Suuqyada Xoolo-dhaqatada Afrika

July 16, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa XFS, Mudane Xasan Xuseen Maxamed, ayaa magaalada Addis Ababa kaga qaybgalay Shirka Heer...

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐮𝐠𝐭𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐮𝐠𝐭𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚

July 16, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS,...

Wasiirka Khayraadka Biyaha Galmudug oo kulan la qaatay madax ka socotay Hay’adda ICRC 

Wasiirka Khayraadka Biyaha Galmudug oo kulan la qaatay madax ka socotay Hay’adda ICRC 

July 16, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Dowlad-goboleedka Galmudug, Mudane Cabdullaahi Maxamed Daahir, ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay...

Somali National University Launches the Somali National Artificial Intelligence Centre

Somali National University Launches the Somali National Artificial Intelligence Centre

July 15, 2026
0

Somali National University (SNU) has officially launched the Somali National Artificial Intelligence Centre (SNAIC), a Centre of Excellence established to...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In