Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Horjoogeyaal sare oo ka tiran Al-shabaab oo isku soo dhiibay Ciidammada Dowladda

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Horjoogeyaal sare oo ka tiran Al-shabaab oo isku soo dhiibay Ciidammada Dowladda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Horjoogeyaal sare oo ka tiran kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab ayaa isku soo dhiibay ciidammada dowladda ee ku sugan magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

 

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026

Labadan horjooge ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Aadan Cabdi Maxamed (Aadan Coobbe) iyo Food Aadan Maxamuud.

Ilo wareedyo laga soo xigtay saraakiisha ciidammada dowladda ee gobolka Gedo ayaa sheegay in sababaha soo goosashadoodu ay qeyb weyn aheyd duqeymo culus oo muddooyinkii la soo dhaafay lagu beegsanayey saldhigyada Al-shabaab ay gabbaadka ka dhigaan ee ku yaalla dhulka Keymaha gobollada Dalka.

Raggaan waxaa lagu tilmaamaa in ay ka mid ahaayeen horjoogayaasha is qariya ee tallada kooxda wax ka gooya, tanina waa farriin kale oo muujineysa in ay sii burburayaan argagixisada Al-shabaab.

Labada nin ayaa la socday baabuur Suzuki ah oo ay kaga soo baxeen magaalada Bu’aale, iyagoo kaddibna ku soo galay tuulada lagu magacaabo Tubaako oo Koonfur ka xigta magaalada Baardheere.

Aadan Coobe ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay ururka Al-Shabab, waxaana jagooyinkaas ka mid ahaa inuu xubin ka ahaa Golaha Shuurada isaga oo u matalin jiray  gobolka Jubbada Hoose. Waxaa sidoo kale Aadan Coobe uu hore u soo noqday Madaxa Qeybta Saadka Al-shabaab u qaabilsanaa  gobolka Jubbada Hoose.

Labadaan horjooge oo ku jira gacanta dowladda ayaa lagu hayaa goob nabdoon, saddexdii bilood ee la soo dhaafay Al-shabaab waxaa ka soo goostay ilaa tobaneeyo horjoogeyaal ah iyo boqllaal malleeshiyaad ah, oo u adkeysan waaye cadaadista dagaal ee ciidammada dowladda iyo duqeymaha diyaaraha Mareykanka ee lagu baacsanayo kooxahan argagixisada ah.

Xigasho, SONNA

Previous Post

NISA Captures Amniyat Member of Al-Shabab

Next Post

Duqa Muqdisho oo amray in lagu banneeyo muddo labo asbuuc ah Machadka Boostada iyo Isgaarsiinta “SAWIRRO”

Next Post
Duqa Muqdisho oo amray in lagu banneeyo muddo labo asbuuc ah Machadka Boostada iyo Isgaarsiinta “SAWIRRO”

Duqa Muqdisho oo amray in lagu banneeyo muddo labo asbuuc ah Machadka Boostada iyo Isgaarsiinta "SAWIRRO"

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In