Muqdisho,26 Feb 2020……Duqeyn cirka oo si habsami leh looga soo liishaamay ayaa lagu dilay hogaamiye Alshabaab oo lala xiriirinayo weerarkii Manda Bay ee lagu dilay askar Mareykan ah oo Alshabaab la dagaalanta.
Hubin lagu sameeyey weerarkii duqeynta kadib ayaa lagu xaqiijyey in mid ka mid labadii argagaxiso ee lagu dilay weerarkii habeysnaa ee ka dhacay meel u dhaw magaalada Saakow Jubbada Dhexe ee Feberaayo 22-keedii uu ahaa shaqsi lala xiriirinayo weerarkii Alshabaab ee Manda Bay, Kenya. Waxa lagu garanaayay inuu madax ka ahaa qorshaynta iyo agaasimidda hawlaha argagaxiso ee ku wajahan xuduudda Kenya ee uu ku jiro kii dhawaan ka dhacay Manda Bay.
Aragagaxisada labaad ayay ahayd xaaskiisa oo ahayd mid xeelad badan iyo firfircoon, kana tirsanayd Alshabaab, iyada oo uga mas’uul ahayd fududeynta hawlgalo kala duduwan. Weerarkan ayaa muujinaya in jinsiga uu doonaba ha ahaadee ay argagaxisada Alshabaab ee kadambeeyey weerarrada aan loo meeldayin ee lala eegtay shacabka Soomaaliyeed oo aan wax ba galabsan la jabin doono.
Dowladda Soomaaliya, Taliska Ciidanka Dowladda Mareyka (AFRICOM), iyo AMISOM way sii wadayaan tallaabooyinka ka dhanka ah Alshabaab, si looga hortago canaasiirta kooxda argagaxisada ah in ay qorsheeyaan ama gaystaan weerarro, gaar ahaan ay u gaystaan waxyeello ragga, dumarka iyo carruurta ku nool Soomaaliya.
Horumar la taabankaro ayaa horey loo qaaday oo marna dib loo laaban maayo. Ciidankeena Xoogga Dalka, Danab iyo ciidamada aynu jaalka nahay ayaa guulo ka sammeeyey dhulalka xudunta u ah Alshabaab ee Koonfurta Soomaaliya , iyada oo dhulkii lala wareegay gacanta lagu hayo difaacyana laga sameeyey fooraha.