Saturday, May 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Howlgalkii naf hurnimo ee soo celiyay Rajadii Shacabka Awdheegle(Warbixin+sawiro)

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Howlgalkii naf hurnimo ee soo celiyay Rajadii Shacabka Awdheegle(Warbixin+sawiro)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Isbedelada iyo ififaalooyin jawi farxadeed ku dheehan ayaa u soo bidhaamaya bulshada ku dhaqan Deegaannada Al-shabaab laga qabsaday dhowaantaan,waxaana muuqatanaysaa in haatan ay ka soo kabanayaan dhibaatooyinkii bulshada deegandaasi ay ku hayeen maleeshiyada Alshabaab,kadib markii ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ay awoodoodi ku muquuniyeen koxda Shabaab oo jab xoogan uu soo gaaray todobaadyadii ugu dambeyeey.

Xaaladda degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelada Hoose oo kamid ah goobihii ugu dambeyeey oo laga qabsaday maleeshiyada Shabaab ayaa deggan, waxaa ku sugan ciidammada Xoogga dalka, Al-shabaab howlgalladii looga saaray ayaa lagu gaarsiiyey jab xooggan oo maleeshiyo badan ayaa looga dilay kuwa kalena gacanta ayeey ku dhigeen ciidammada Xoogga dalka.

Related posts

Dowladda Soomaaliya oo bilowday tallaabooyin deg-deg ah oo looga hortagayo cudurka faafa ee Ebola

Dowladda Soomaaliya oo bilowday tallaabooyin deg-deg ah oo looga hortagayo cudurka faafa ee Ebola

May 23, 2026
Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo war ka soo saartay duqayn ka dhacday Shabeellaha Hoose

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo war ka soo saartay duqayn ka dhacday Shabeellaha Hoose

May 23, 2026

Saraakiisha ciidanka ayaa warbaahinta dowladda u xaqiijiyey in ay dib u bilowdeen dhaq-dhaqaaqyadii kala duwanaa, sida Ganacsiga iyo Gaadiidka.

“Waxaa mahad u sugnaatay Alle SWT,marka labaada waxaan u mahadcelinaynaa intii nagala shaqeysay in aan nimankaan Jid iyo jahdiidka ah,oo bulshada nabadda u diiday aan ka saarno deeganaadaan,waxaan rabaa in aan idin sheego reer Awdheegle in aad tihiin dad wanaagsan oo qalbi furan,sida aad ula shaqeysaan ciidanka xooga dalka,100% halala shaqeeyo ciidanka xooga dalka si kooxahana umadda Soomaaliyeed dhiigoodi,hantidooda baneystay wax looga qabto”. Ayuu yiri Janaral Odawaa Yuusuf Raage taliyaah ciidanka dhulka ee Xooga Dalka Soomaaliyeed.

Waxgaradka iyo Shacabka deegaanada la xoreeyay oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa si weyn u soo dhaweyeey howlgalada ciidanka xoogga dalka ay ku bad baadinayaan nolosha shacabka oo ay dhibaateeyeen maleeshiyada Alshabaab.

Saameyntii ka dhalatay cadaadiskii guracanaa ee argagixisadu ku hayeen shacabka Degmada Awdheegle iyo deegaannadii u dambeeyey ee Al-shabaab laga saaray ayaa waxaa kamid ah in dadku ay waayeen adeegyadii muhiimka u ahaa noloshooda, sida, waxbarasho iyo caafimaad iyo kuwo kale,bacdamaa goobahaas ay burburiyeen argagixisada Al-shabaab intii ay joogeen halkaasi,balse haatan waxaa jirta rajo ku aadan in noloshdii iyo adeegyadii bulshada ay dib u soo laabanayaan.

Xaqjiriinta Shabaab ayaa lagu yaqaanaa in ay burburiyaan goobaha muhiimka u ah bulshada oo ay ka helaan adeegyada aas aasiga u ah noloshooda,ha noqoto waxbarasho,caafimaad,amni,ganacsi,si ay ugu sahlanaato in ay shacabku afduub ugu jiraan,balse waxaa taasi ka dhiidhiyay ciidanka Xoogga Dalka oo naftoodi u huray difaaca dadka iyo dalka.

Wixii ka dambeeyey markii argagixisada Alshabaab laga saaray deegaanadaasi bulshada ku dhaqan Awdheegle ee gobolka Shabeelada Hosoe ayaa dareemaya yiddidiilo ku aaddan in ay soo gaaraan hey’adaha kala duwan ee dowladda oo soo celiya dhammaan kaabayaasha aas-aasiga u ahaa nolosha bulshada.

Naftood hurayaasha ciidanka Xooga Dalka oo ka damqanaya dhibaatooyinka in muddo ah bulshadu ay ku hayaan Shabaab ayaa u muuqda kuwo aan meel ku hakan balse baacsanayaa meelkasta oo argagixisadu ay ku dhuumaalaysanayaan.

Seddexdii bilood ee la soo dhaafay ayaa muuqaneysa in Argagixisada gacantooda laga saaray goobo muhiim ah oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose,waana bilowga qorshaha ciidamada Qalabka sida ay isugu diyaarinayaan in guud ahaan ammaanka dalka si buuxda ay ugala wareegayaan Ciidanka AMISOM.

Previous Post

Gudoomiye Najax oo Hay’adaha Gargaarka kala Hadley sidii gargaar loo gaarsiin lahaa Aw-dheegle.

Next Post

Aragtida Dastuurka KMG ee Maaraynta Murannada Federaalka

Next Post
Aragtida Dastuurka KMG ee Maaraynta Murannada Federaalka

Aragtida Dastuurka KMG ee Maaraynta Murannada Federaalka

Dowladda Soomaaliya oo bilowday tallaabooyin deg-deg ah oo looga hortagayo cudurka faafa ee Ebola

Dowladda Soomaaliya oo bilowday tallaabooyin deg-deg ah oo looga hortagayo cudurka faafa ee Ebola

May 23, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaaday tallaabooyin degdeg ah oo looga hortagayo khatarta cudurka Ebola kadib markii laga helay Uganda...

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo war ka soo saartay duqayn ka dhacday Shabeellaha Hoose

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo war ka soo saartay duqayn ka dhacday Shabeellaha Hoose

May 23, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa duqeyn qorsheysan ka fuliyay deegaanka Ugunji ee gobolka Shabeellaha Hoose,...

Kulan looga hortagayo faafidda cudurka Ebola oo lagu qabtay Muqdisho

Kulan looga hortagayo faafidda cudurka Ebola oo lagu qabtay Muqdisho

May 22, 2026
0

Ku simaha Wasiirka ahna Wasir dowlaha wasaaradda caafimaadka XFS, Dr. Maryama Mohamed Hussein, ayaa shir gudoomisay kulan kadhacay Xarunta Hawlgallada...

Hay’adda SoDMA iyo Bisha Cas ee dowladda Qatar oo daahfuray mashruuca Udxiyada 1447H

Hay’adda SoDMA iyo Bisha Cas ee dowladda Qatar oo daahfuray mashruuca Udxiyada 1447H

May 22, 2026
0

Kaaliyaha Arrimaha Carabta Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMA, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen iyo Safiir Ku-xigeenka Dowladda Qatar Raashid...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In