Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Howlgallo amni xaqiijin ah oo ciidanka gorgor ay ka sameen Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Howlgallo amni xaqiijin ah oo ciidanka gorgor ay ka sameen Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada Hey’adda NISA gaar ahaan ciidanka gurmadka gorgor ayaa howlgallo amniga la xiriira ka sameeyey qaar ka mid ah waddooyinka waa weyn ee caasimadda iyo kuwa soo gala magaalada.

Ujeedka howlagalkii maanta ayaa waxa uu ahaa adkeynta amniga si looga hortago falal argagaxiso oo ay suuratagal tahay in maleeshiyada Al-Shabaab ay u geystaan shacabka, iyadoo intii ay socdeen baaritaanada waxa ay ciidamada mid mid u baarayeen nuucyada kala duwan ee gaadiidka sida kuwa ay rakaabka, baabuurta yar yar iyo kuwa waaweyn ee xamuulka qaada, kuwaasoo ku socdaalayay waddooyinka Muqdisho, iyagoona sidookale baaritaan iyo su’aalo isugu darayay dadka rakaabka ah ee saarnaa gaadiidka dadweynaha.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Ciidamada ayaa intii ay ku guda jireen waxa ay ku soo qabteen dhallinayaro looga shakiyay inay ka tirsan yihiin maleeshiyada Al-Shabaab, kuwaasi oo baaritaanno kadib lasii daayay.

Sidookale Ciidamadu waxa ay baaritaan ka sameeyeen waddo isku xirta Degaanka Jaziira iyo Degmada Wadajir halkaasi oo magaalada Muqdisho ay kasoo galaan baabuurta ka timaada Gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidamada Gurmadka Gorgor oo ka tirsan Hay’ada Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ayaa mudooyinkii dambe waxa ay ku howlanaayeen sugisda iyo adkeynta Amniga magaalada Muqdisho, waxaana xusid mudan in howlagalkii maanta oo aad u balaarnaa uu qeyb ka yahay talaabooyinka looga hortagayo dhibaatada mararaka qaar shacabka uga timaada dhanka Maleeshiyada Al-Shabaab.

Previous Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post

Wafdiga guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo lagu soo dhaweyey magaalada Genève “SAWIRRO”

Next Post
Wafdiga guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo lagu soo dhaweyey magaalada Genève “SAWIRRO”

Wafdiga guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo lagu soo dhaweyey magaalada Genève “SAWIRRO”

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In