Howlgalkan oo ahaa mid lagu xaqiijiyay amniga caasimadda, maadama lagu qaban doono doorashada guddonka baarlamaanka iyo Madaxweynaha ayaa waxa ay ciidamada ka sameynayeen 52 Isgoys ee caasimadda, kuwaasi oo ku baarayay gaadiidka iyo dadweynaha halkaasi isticmaala.
Taliyaha Qeybta guud ee booliska G/Banaadir Jeneraal Bishaar Abshir Geeddi oo uu wehliyo taliyaha qeybta Waliyow Cadde ayaa waxa ay kormeeren isgoysyada ay ciidamada howlgallada ka sameynayeen, iyadoo aad arkeyso sida ay cidamada booliska ugu howlanyihin sugidda iyo xaqiijinta amniga caaasimadda, waxana ay baarayeen gaadiidka iyo dadweynaha.
Intaas kadin taliyaha ayaa Warbaahinta Qaranka kula hadlay Isgoyska KM4 isagoo ka warbixiyay ujeedka howlgalka.
Sidoo kale Taliyaha ayaa shaaciyay in magaalada aan lagu dhex arki karin ciidamado hub sita oo ka baxsan ciidamada isku dhafka ah ee loo qorsheeyay sugidda amniga, isagoo shirkadaha ka diiwaan gashan Wasaaradda amniga aysan hub waa weyn ku dhex wadan karin gudaha magaalada….
Howlgalada amniga lagu xoojinayo ayaa qeyb ka ah sidii loo sugi lahaa amniga goobaha ayka dhaceyso doorashooyinka oo ay ugu so horeeyan doorashooyinka labada aqal ee dhawaan lagu qaban doono caasimada, kuwaasi oo ay xigi donaan doorashada gud ee gudoonka iyo kan madaxtinimada dalka.