Monday, October 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Howlgallo laga sameeyay degmada Afgooye oo lagu soo qabtay tiro dad ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Ciidamo Boliis Ah Oo Afgooye Xaafada Ka Mid Ah Fariisimo Ka Sameystay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Howlgaladan ciidanka amniga ay ka sameyeen degmada Afgooye iyo nawaaxigeeda ayaa waxa ay ku soo qabteen dad lagu tuhmayo inay ka tirsanyihin maleeshiyada Al-Shabaab, kuwaasi oo ay ku socoto su’aallo weydiin la xiriira waxyaabaha lagu tuhmayo.

Gudoomiye ku-xigeenka amniga ee gobolka Shabeelaha Hoose Cali Nuur Siyaad oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in howlgallo ay ciidamada uu ka dambeeya qarax shalay ka dhacay Afgooye, waxaana uu intaa ku daray in ciidanku ay ku soo qab qabteen tiro dad ah oo lala xiriirinayo inay ku luglahaayeen qaraxa, kuwaasi oo uu sheegay inay ku socoto baaritaanno dheeraad ah.

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026

“Tiro dad ah ayaa howgalka lagu soo qabtay, su’aallo ayaa la weydiinayaa, marka lakala saaro, inta shacabka ah waan iska fasaxi doonaa, inta kale ee ku cadaata falalka lagu tuhmayo maxkamada ayaa lala tiigsan doonaan” ayuu yiri Cali Nuur.

Guddoomiye ku-xigeenka aya tilmaamay qaraxa uu ku dhintay qof shacab ah oo jidka hareerahee fadhiyay, isagoo intaa ku daray in qaraxa lala beegsaday gaari ciidanka AMISOM ah oo aysan jirin cid kale oo wax ka noqotay, ciidankuna ay ku guuleysteen inay furaan bam kale oo shacabka lagu dhibaateyn lahaa.

“Hal qof ayaa ku dhintay, mana jirin cidkale oo wax ku noqotay, ciidanku waxa ay sidoo kale fur fureen miino kale oo hareeraha waddada la geliyay oo la doonaya in dad rayid ah lagu waxyeeleeyo” ayuu hadalkiisa ku daray Guddoomiye ku-xigeenka amniga.

Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa dadaal ugu jira sidii ay uga hortagi lahaayeen dhibaatooyinka Shabaab ay ku hayaan shacabka halkaasi ku nool.

Previous Post

Madaxweynaha: “Baarlamanka iyo Xukuumadda waa inay dardar geliyaan hawlaha qaranka”

Next Post

25 ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay howlgallo ay ciidamada ka sameeyeen Bakool

Next Post
Deegaanno ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose oo howlgallo laga sameeyay

25 ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay howlgallo ay ciidamada ka sameeyeen Bakool

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In