Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed iyo AMISOM ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay tuuloyinka Sabiib, Caanoole iyo Beleda-Amiin oo hoostaga degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose waxaana howlgalkaasi lagu burburi yay saldhigyo Al Shabaab iyo isbaarooyin ay ku qaadi jireen lacago sharci darro ah.
Ciidanka huwanta ayaa howlgallkaasi waxa ay ku soo qabteen tiro maleshiyaad nabaddiibka Al Shabaab iyo saanad ciidan oo ay wateen, sia lagu xaqiijiyay war qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Ciidanka XDS.
Ugu danbeyn, Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/Gaas Cali Baashi Maxamed ayaa tilmaamay in cadowga Ummadda Soomaaliyeed uusan awood u lahayn inay meel qabsadaan ,balse weeraro qarsoodi iyo gadmo ah ay soo qaadan inay horumarka, iyo guulaha uu gaaray Qaranka Soomaaliyeed aysan dib u dhac u keeneen.
General Cali Baashi Maxamed ayaa u mahadceliyay Maamulka Shabeellaha Hoose iyo Ciidamadda Qalabka Sida iyo AMISOM sida ay u wada fuliyeen howlgalkaa, Wuxuuna ku baaqay inay shacaba ka Soomaaliyeed la shaqeyaan Ciidamada Qalabka sida oo mar walba u taagan diifaca dalka, diinta iyo dadka Soomaaliyeed lana ciribtiro maleeshiyaadka argagaxisadda.
—-DHAMMAAD—–